Dood mise muran ..... Mawliid Maxamed Siciid.

0
Saturday December 12, 2020 - 09:43:05 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1104
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dood mise muran ..... Mawliid Maxamed Siciid.

    Dood Mise Muran Fadhi Ku Dirir Ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dood Mise Muran Fadhi Ku Dirir Ah.

Labada masuul ee  Afhayeenka xisbiga Waddani iyo kan Kulmiye wax badan isma dhaamin hasa ahaatee midbaa sii go'ay.
OPINION.

Waa maxay doodi?.
Dooddu waa hadal ama muran qaabaysan oo dhex mara laba dhinac oo wata aragtiyo  kala duwan taas oo leh mawduucyo gaar ah oo la asteeyo in laga doodo si loogu hogaansamo fikirka saxda ah uguna qanco kan kale ee laga doodda culus yahay. Labada dhinac ee doodaaya waxaa loo qabtaa mid walba time fikradiisana kusoo bandhigo. Haddii dhinacyada doodaya daqiiqadaha ay dhaafaan ama dhexgal doodda ahi yimaado waxa loo xaliyaa si taxad leh. Aragtida dhinaca ama hadalka kooxda kaa soo horjeedda waa inaad tixgelisaa.


In la doodaa maxay muhiim u tahay?
Waa hab aad u fiican oo lagu hagaajiyo xirfadaha hadalka waxayna si gaar ah waxtar u leedahay in khibrad la kala helo bulshadana loo soo bandhigo waxa saxda ah.

The basic debating skills.
Xirfadaha Dooda Aasaasiga u ah.
Qaabka "Style" waa qaabka aad ugu gudbiso doodahaaga. Tani waa qaybta  aasaasiga u ah ee doodaha si loo barto. Mawduucyada iyo istiraatiijiyadda u dhiibo si kalsooni leh oo qancin leh.

Xawaaraha  "Speed"  Waa muhiim inaad ku hadasho dhawaq  sare  oo kuu ogolaanaya waqti kooban inaad ku sheegto waxaad rabto, laakiin ku filan in si fudud laguu fahmo.

Codka "Tone" inaad Kala beddesho wa muhiim waana waxa  doodaada ka dhigaya mid xiiso leh oo aan la dhibsan lagana caajisin.

Mugga "Volume" Doodda Qaylada ahi ma guuleysato wa Inaad si aamusnaan leh u hadasho iyadoo dhan kale aan lagaa caajisin.

Caddeynta "Clarity"  doodda ama fikirku  waa inuu noqdaa mid cad Sababta ugu weyn ee dadku u bilaabaan inay dhawaaqaan si aan caddayn badanaa waxay tahay iyaga oo lumiya Fikirka ama dooddu  inay sii socoto.

"Use of notes and eye contact".
Adeegsiga qoraalo iyo la socodka isha. Dood haddii aad galayso Qoraaladu waa lama huraan, laakiin waa inay noqdaan kuwa kooban oo si wanaagsan loo abaabulay si ay waxtar u yeeshaan.
Xaqiiqdii macno malahan isku dayga inaad hadasho ama dooddo adigoo qoraal la'aan ah. Waa muhiim Indhaha  inaad kala socoto dhagaystayaasha madasha doodda.

Waa inaad ku caddeeysaa dooddaada caqli-gal aasaasi ah, tusaalooyin laga soo shaqeeyay, tirakoob iyo xigashooyin. Dooddu waxay ku saabsan tahay istiraatiijiyadda waa inaad caddeysaa sheegashadaada.

Source. The oxford union rough guide to debating. 
Waxa turjumay.
Mawliid Maxamed Siciid.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...