Musharax Cabdikariim Garas Oo Ka Waramay Wacyigelinta Diwaangelinta Oo Uu Ka Fuliyey Deegaanadii Ugu Badnaa Ee Hargeysa Hoos Yimaada+Sawiro

0
Friday December 11, 2020 - 20:00:57 in News by
  • Visits: 1546
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musharax Cabdikariim Garas Oo Ka Waramay Wacyigelinta Diwaangelinta Oo Uu Ka Fuliyey Deegaanadii Ugu Badnaa Ee Hargeysa Hoos Yimaada+Sawiro

    Musharax Cabdikariim Garas Oo Ka Waramay Wacyigelinta Diwaangelinta Oo Uu Ka Fuliyey Deegaanadii Ugu Badnaa Ee Hargeysa Hoos Yimaada+Sawiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musharax Cabdikariim Garas Oo Ka Waramay Wacyigelinta Diwaangelinta Oo Uu Ka Fuliyey Deegaanadii Ugu Badnaa Ee Hargeysa Hoos Yimaada+Sawiro


Hargeysa(HWN):-Musharax Cabdikariim Xasan Cabdi(Garas) oo u tartamaya golaha deegaanka Hargeysa ayaa wacyi gelinta diwaan gelinta codbixiyayaasha maanta ka sameeyey deegaanadii ugu badnaa ee hoos yimaada degmada Hargeysa.




Musharax Cabdikariim Garas ayaa 12 saacadood oo xidhiidh ah waday wacyi gelin uu ka sameeyey deegaano kala kuwan kuwaas oo uu dadweynaha kula dardaarmayey inay si mug leh uga qayb galaan diwaangelinta codbixiyayaasha oo dhawaan ka bilaabmi doonta magaalada Hargeysa iyo deegaanada hoos yimaada.


Musharax Cabdikariim Garas ayaa kulamo uu la qaadanayey shacabka ku nool deegaanadii uu maray waxa uu kula dardaarmayey inay marka hore isdiwaan geliyaan isla markaana ay si weyn uga fiirsadaan cida ay codkooda siinayaan isla markaana ay doortaan dadka aqoonta leh ee u qalma inay fuliyaan shaqada balaadhan ee haatan ku dayacan dawlada Hoose.


Musharax Cabdikariim Garas ayaa markii uu soo dhameeyey wacyigelinta la xidhiidha diwaangelinta codbixiyeyaasha waxa uu soo saaray qoraal uu kaga hadlay hawsha u qabsoontay, kaas oo u dhignaa sidan "Maanta oo taariikhdu tahay 11/12/2020 ahaydna Jimce waxaanu saaka 6:00 subaxnimo socdaal kaga baxnay magaalada Hargeysa, socdaalkaas oo ujeedadiisu ahayd sidii aan u soo wacyi gelin lahaa deegaano balaadhan oo hoos yimaada degmada Hargeysa, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Maygaagta _Wayn, Ishaa-duurka, Hadhuudh wayn, Cali xaraare, Dhaamka Janagale, Karin socdaal, Maygaagta –Yar, Xorfada badar-Wanag, Xundhurgaal, Farjano, Ina qarboosh iyo Hallaya”


Musharax Cabdikariim Garas oo qoraalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "guud ahaan deegaanadaasi aanu soo marnay waxaan dadweynaha kula dardaarmay inay si mug leh uga qayb galaan diwaangelinta codbixiyeyaasha, waxaanan uga waramay faa,iidada balaadhan ee ay leedahay inay kaadhka qaataan, soo dhawayn weyn ayaan kala kulmay deegaanadii aan maray iyaga oo dadkuna si fiican nooga dhagaystay fariintii aanu u wadnay.”


Sidoo kale waxa uu sheegay in sii wadi doono socdaalka uu wacyigelinta ku siinayo shacabka "Deegaanada ii hadhsan ee hoos yimaada degmada Hargeysa iyagana intii iiga suuragasha waan gaadhayaa si aan ugu baraarujiyo diwaangelinta codbixiyeyaasha oo dhawaan ka bilaabmi doonta gud ahaan gobolka maroodijeex” ayuu qoraalkiisa ku yidhi musharax Cabdikariim Garas.

Image may contain: Abdikareem Garas, text that says 'Vote MUSHARAXA GOLAHA DEEGANKA CAASIMADA HARGAYSA KU DOORO AQOON, KARTI & HAWLKAR NIMO 2020 XIL: CABDIKARIN XASAN CABDI (GARAS) WAQALIE'
Image may contain: 1 person, sunglasses, car and outdoor
Image may contain: one or more people and people standing
Image may contain: 1 person, sunglasses and outdoor
Image may contain: 2 people, people standing, outdoor and nature
Image may contain: 4 people, people standing, outdoor and nature
Image may contain: 1 person, standing, outdoor and nature
Image may contain: 1 person, standing and outdoor
Image may contain: one or more people, people standing, car and outdoor
Image may contain: 2 people, including Abdikareem Garas, people standing and sunglasses
Image may contain: 3 people, including Abdikareem Garas, people standing, beard and outdoor
Image may contain: 2 people, including Abdikareem Garas, people standing, beard, outdoor and nature
Image may contain: 4 people, people standing and outdoor
Image may contain: 2 people, including Eng Mukhtaar Yusuf, people standing, tree, beard and outdoor
Image may contain: 2 people, people standing, beard, outdoor and nature
Image may contain: 1 person, standing and outdoor
Image may contain: 2 people, people standing
Image may contain: 2 people, people standing
Image may contain: 9 people, including Caaqil Rashiid M Jambiir, people standing
Image may contain: one or more people, people standing, sky and outdoor
Image may contain: 5 people, including Abdikareem Garas, people standing and outdoor
Image may contain: 1 person, standing, sky, tree, outdoor and nature
Image may contain: 7 people, people standing and outdoor

Loading...
Loading...