Maxamuud Cabdi Shide "Tuur" iyo C/raxmaan Maxamuud Caydiid "Soltelco" LABA NIN OO ISKU ADEER AH Qaybtii 2aad) Qore: Maxamed Xoosh

0
Sunday April 28, 2019 - 11:05:06 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1213
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxamuud Cabdi Shide "Tuur" iyo C/raxmaan Maxamuud Caydiid "Soltelco" LABA NIN OO ISKU ADEER AH Qaybtii 2aad) Qore: Maxamed Xoosh

    Waxaan muran ka taagnayn Dunidan Ninka Siyaasad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan muran ka taagnayn Dunidan Ninka Siyaasad
Damca ama Hogaan umadeed inuu noqdo nin aragti leh ka maskaxbadan badi inta uu Hogaaminaayo iyo Inta badan dadka Siyaasadda ku jira ama xiiseeya "Indheergarad ah”

Hogaanka iyo maamulka inta aanu xilka qaban waxa ka horeeya inuu SITO fikir Istaraatiijiya oo fududayn kara shaqada u taal ama xilka loo igman doono

Maxamuud Cabdi Shide AHN wuxuu xanbaarsanaa fikir Istraatiijiya

1-Qorshe muda dheer qaadanaaya oo dhamaan sii qorsheeyay waxa dhacaaya iyo waxa dhici doona haday dhacaan siday noqon doonaan



2-Fikir leh Hal-abuur leh "Proactive” Intaanay waxba dhicin xalal badan oo uu keeno

3-Aragti ah Sawirka Weyn ee shaqada oo dhan "Big Picture” oo aan ku koobnayn qayb ka mid ah

4-Sawirid yoolka uu hiigsanaayo

5-Wuxu eegaa dadka la shaqeeya Tamarta iyo Awoodaha ku Qarsoon iyo Hawlgelinteeda iyo Helideeda


Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Sida ka muuqata waxa uu u fakaraa dhamaystirka shaqo maalimeedka joogtada ah

1-Qorshe dhamaystiraya shaqo maalimeedka oo wakhtiga oo dhan ka qaata , madax xanuun badan iyo shaqadoo sii badata
2-Fikir ka jawaabaya kolba Mushkilada iyo Musiibada dhacda, Marka Roob da,o waa u heegan gelid, Marka wadadu jajabto waa in la dhisaa waa maamul ku dhisan facelinta marka ay dhibtu dhacdo !!!
3-Argati ku kooban qaybaha hoose ee shaqada iyo Aragti gaaban oo ku xadidan qayb yar oo shaqada ah
4-Keliya FULINTA yoolka horyaal ee bilaha ah ama maalinlaha ah
5-Wuxu eegaa dadka la shaqeeyaa kartida imika karayaan oo keliya Hibooyinka ku qarsoon isma weydiiyo


Waa laba fikir oo iska soo horjeeda mid wuxuu la jaan qaadayaa Mustaqbalka Qofka bartaana wuu nastaa
Aragtida labaad waxay ka shaqaysaa xalinta mushkiladaha maalinlaha ah iyo mudooyinka gaaban qofka ku shaqeeyaa Jidhka iyo Maskaxduba wey daalaan

La Soco…


[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...