Xuquuqda Aadamaha (Human Rights)....W/Q Jibriil Jirde

0
Thursday December 10, 2020 - 17:40:16 in Articles by
  • Visits: 818
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xuquuqda Aadamaha (Human Rights)....W/Q Jibriil Jirde

    Xuquuqda Aadamaha (Human Rights)....W/Q Jibriil Jirde

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xuquuqda Aadamaha (Human Rights)....W/Q Jibriil Jirde

Xuquuqda Aadamaha (Human Rights), waa xuquuq ay si isku mid ah ugu siman yihiin dhammaan dadku, iyada oo loo eegayo bini-aadamnimadooda, iyadoon loo eegin jinsiyad, dhalasho, ama xubin ka mid ah koox bulsho oo gaar ah. Xuquuqda aadamigu waa xuquuqda akhlaaqeed lama taabtaan ah, ee la’aantood dadku ku noolaan Karin sharaf. Ereygan, waxa si weyn loo adeegsaday, kadib dagaalkii labaad ee dunida, isagoo beddelay ereygii hore ee xuquuqda dabiiciga ah (Natural Rights).
Image may contain: Jibriil Jirde, tree, sky, outdoor and nature



Fikradda Xuquuqda Aadamigu waa mid duug ah, waxa aanay soo martay marxalado kala duwan, oo aan ku calaamadsan karno; cahdigii hore (Ancient Age), wakhtigii dhexe (Medieval Age), iyo casrigan (Modern Age). Magna Carta oo ahayd dukumenti qoran oo caan ah oo ku saabsan xuquuqda aadanaha, ayaa lagu calaamadiyaa inay tahay tallaabadii ugu muhiimsanayd ee kor loogu qaaday xuquuqda aadanaha waayadii dhexe. Waa mid ka mid ah qoraalada sharciga ugu muhiimsan, waxa aanay saaamayn togan ku yeelatay dastuurrada dalalka dunida iyo shuruucda xuquuqda ( Bill of Rights).
Taariikh dheer haddii aan soo koobana, baaqa caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamaha (UDHR), ayaa la meel mariyay 1948kii, waxa aannu u noqday tallaabo weyn oo dhanka xuquuqda aadanaha loo qaaday, waxa aanay ka abuurtay dunida isbeddel weyn oo hor leh.

Somaliland dastuurkeedu, waxa uu damaanad qaaday dhammaan xuquuqahaas, nasiibdarro se, waa qoraalo qurxoon oo aan ka midho-dhalin, fulin iyo dantoona laga lahayn. Waa dastuur akhriska uun ku qurux badan, balse aan meelna laga fulin, marka laga tago kolba qodobka danta u ah qoorweynta xukunka haysa.

Somaliland waxa laga sameeyay Komishanka Qaranka ee Xuquuqda Aadamaha, lagu na aasaasay xeer 39/2010, iyada oo laga duulayo mabaadiida Baariis (Paris Principles). Mabaadiidan oo golaha guud ee qaramada midoobay ansixiyay 1993, ayaa saldhig u ah aasaaska hay'adaha ama komishanada heer qaran ee xuquuqda aadanaha, bal aynnu ku miisaanno mabaadiidaas, komishanka xuquuqda aadamaha ee Somaliland.

Mabaadiida Baariis (Paris Principles), waxay u baahan tahay inta lagu guda jiro geeddi-socodka dhismaha hay'ada qaran ama komishanka ee xuquuqal insaanka, in dhammaan daneeyayaasha hay’adaha dawladdu ay si siman uga qayb qaataan geeddi-socodka. Daneeyayaashana waxaa ka mid ah saraakiisha dowladda; baarlamaanka, ururada diinta, ururada aan dawliga ahayn (NGOs), ururada shaqaalaha, ururada bulshada iyo xirfadlayaasha; tusaale ururada qareenada, dhakhaatiirta, saxafiyiinta iyo wixii la hal maala. Haddaba, marka la eegayo komishanka xuquuqal insaanka ee Somaliland, waxa iska watay ama faraha ku haystay hay’adii fulinta ee markaas joogtay, iyada oo aan la marina sida ku xusan mabaadi’da Baariis, taasi na waxa ay ka dhigaysa dhismaha mid dhiman, dhinac ka raran ama magac ahaan uun u jira, balse aan marna ba fulinin qabyadii ay ahayd inuu fuliyo komishanku. Waxa aanan si fudud ugu qeexi karnaa, hal xaaraan ahi, nirig xalaal ah ma dhasho.

Mabaadiida Baariis, laba shaqo oo muhiim ah ayay siinaysaa hay’adaha qaran ee xuuqal insaanka, waana in la ilaaliyo xuquuqda aadanaha iyo in la horumariyo. Komishanka xuquuqda aadanaha ee Somaliland, waa uu ku guuldarraystay shaqooyinkaas iyo waajibaadka kale ee xeerka lagu aasaasay ugu qoran ba. Waxa na ka markhaati ah xaaladda dalku ku sugan yahay, gaar ahaan sida loogu tuntay xuquuqda aasaasiga ee muwaadiniinta iyo dadka kale ee sifaha sharciga ah ugu nool dalka.

Maanta oo ku beegnayd, maalinta loo asteeyay xuska maalinta xuquuqda aadanaha, komishanku waxa uu qabtay shirweyn oo hadaltiro ah, balse aan waxba ka qabanayn xaalka dalku ku jiro ee gaadhay in qof shicib ahi uu qof kale xidhi karo ee uu qol uu leeyahay ku haysan karo ama handadi karo. Maanta oo kale na, Soomaliland xus uma aannu oolin.

Komishanku wax kale ma ahan, aan ka ahayn goob dad gaar ah laga masruufo iyo komishan u jira xintan, waxa aannu u taagan yahay inuu hafro dadka tacdiyadu ku dhaceen iyo in uu hagaasiyo xarumaha kale ee madaxabannaan kana shaqeeya xuquuqda aadanaha.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...