Murashaxa Golaha Wakiilada ee Gobolka Maroodi-jeex.

0
Thursday December 10, 2020 - 10:16:32 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1405
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Murashaxa Golaha Wakiilada ee Gobolka Maroodi-jeex.

    Fariinta Guud.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fariinta Guud.

"Todoba iyo tobankii sanadood ee u  danbeeyey, waxaan si uun ula socday siyaasada JSL. Waxaan cilmi baadhid badan ku sameeyey nidaamka dimuquraadiyada iyo axsaabta badan ee aynu qaadanay, sidoo kale xog-ogaal u noqoshada shuruucda iyo xeerarka dastuuriga ah ee laga soo alkumay axdi qarameedkii shirarkii burco 1991 iyo boorame 1993 ee Somaliland lagu soo dhisay, waxaan wakhti badan galiyay dhugashada sida laysku waafajiyay  dhaqanka bulsho iyo nidaamka dawladnimo ee dalkeena ka  hana-qaaday.



Marxaladaha iyo wakhti siyaasadeedkii adkaa  ee ku dhigan taariikhdeena  ayaa ah mid aan shacabkeenu si dhib yar u ilaawi Karin, tusaale na u ah siyaasadaha kali-talisnimada, xoriyad la’aanta, cadaalad dara’da, iyo xukun jacaylka aan talo wadaaga ku dhisnayn.


Guulaha JSL ay gaadhay 28 sano dhinacyada nabad galyada, siyaasada, amniga, dhaqaalaha, iyo horumarka bulshada ayaa ku timid midnimo shacbi, waxaa shacbiga reer Somaliland ku caan-baxeen isturxaan-bixin, isutanaasul, iyo wada-hadal inay ku dhameeyaan hadba waxii dhex-yimaada taasi oo ay sabab u tahay dhaqanka iyo diinta isku dhafan, waa sifo ay gooni u leeyihiin dadka reer Somaliland fure na u ah aasaaska noloshooda.


Tan iyo intii ay Somaliland bilawday doorashooyinka xorta ah iyo hanaanka xisbiyada badan ayaa qaybo badan oo bulshada ka mid ah laga duudsiyay xaqoodii siyaasiga ahaa, dhalinyarada, haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay ayaa ka mid ahaa, korodhka tiro ee aqoon yahanka da’ada yar ayaa sababay in arintan dood badan oo dhinaca sharciga ah laga sameeyo, isla markaana ay soo baxaan ururo u doodaya xuquuqda qaybahaas bulshada ka mid ee aan soo sheegnay, tani waa ta suuro galisay in ay muuqato cududa ay dadkani ku dhex leeyihiin bulshada, gaar ahaan dhalinyaradu, sidaas darteed waxaan Gacan siin doonaa cid kasta oo arimahaas gacanta ka shaqaynaysa, waxaan ku matali doonaa golaha xeer dajinta, waxaan taageeri doonaa barnaamij kasta oo siyaasadeed oo khuseeya arimaha iyo wax kasta oo ummada Somaliland u horseedi kara sinaan iyo cadaalad.


Hadaba, markii aan darsay DASTUURKA JSL QODOBKA 41AAD EE SHURUUDAHA QOFKA ISU-TAAGAYA DOORASHADA WAKIILADA iyo XEERKA GUUD EE DOORASHOOYINKA QARANKA IYO DIIWAANGALINTA COD-BIXIYAYAASHA


XEER Lr. 91/2020.

Markii aan ku qancay aqoontayda, waayo-aragnimdayda iyo kartiday inaan buuxin karo shuruudahaas looga baahan yahay musharaxa golaha wakiilada.


Waxaan go’aansaday inaan isu-taago doorashada golaha wakiilada JSL ee ku mudaysan sanadka danbe ee 2021


Fariintani waxay hor-dhac u tahay fikir kayga guud, dareenka lexo-jeclo ee aan u hayo wadankayga, guud ahaan waa mid ku tusinaya aragtida fog iyo qorshaha siyaasadeed ee aan ku faani karro wax ka qabashadooda hadii allaha awooda lihi ila qabto.


Weedhani waxay u taagan tahay awooda u diyaar-garowga masuuliyada qaran, waxaanan rumaysnahay inaan si hufan u gudan doono xilka iyo masuulyada ba, waxaan idiin xaqiijinayaa inaan idiinka adeegi doono danta guud si daacad-nimo iyo xil-gudasho leh.


Waxaan rajaynayaa inaad igu garab gali doontaa igu na taageeri doontaan xilka qaranka.

Waxaan marti idiinka ahay codkiina, waxaan idiin balan qaadayaa in aan idin dhagaysan doono goor kasta, gaar ahaan marka aad ka hadlaysaan dantiina, baahiyahiina aasaasiga ah, ta deegaanka aad ku nooshihiin iyo guud ahaan in aan codkiina gaadhsiiyo golaha wakiilada marka qaranka wax loo qaybinaayo.


Ugu danbayn Waxaan mahad u celinayaa qoyskayga, walaaladay, ehelkayga, taageerayaasha xisbiga waddani ee maraykanka iyo asxaabtayda oo dhamaantood igu dhiiri-galiyay inaan isu soo taago tartanka doorashada golaha wakiilada JSL ee sanadka 2021."

 

Allah mahad leh.

Musharax Golaha Wakiilada JSL

Ibraahim Adam Aw Qoobey.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...