Soomaalilaan Iyo Musuqmaasuqa.

0
Thursday December 10, 2020 - 10:10:10 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 789
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaalilaan Iyo Musuqmaasuqa.

    "Musuq maasuqu waa Soomaali ma heradooddii".

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Musuq maasuqu waa Soomaali ma heradooddii".

Musuqmaasuqu waa nooc ka mid ah khiyaamada, tuuganumada ama dambi ciqaabeed oo ay fuliyaan qof, haay'ad lagu aaminay Xil ama masuuliyad Umadeed.  Kuwaasi oo uga faa'idaysanaaya si ay u helaan dheefo sharci darro ah ama ku takri-fal awoodeed' oo dan gaar ah loo leeyahay.



     Xeelada ugu weyn ee looga hortago musuqmaasuqa ayaa ah in lala dagaalamo waxaana lagu qeexee weedha ah " La' dagaalanka Musuqmaasuqa". Waxaana ka dhasha dambiyo iyada oo cidii lagu cadeeyo haddii ay tahay Qof ama Haayad la ciqaabo xukunana ay ku dhacaan. Taasi waxa ay keentaa in hoos la dhiga Musuq, iyo in aanu baahin kaliya waxa lagu hor istaagi karaana waa ciqaab iyo cabsi.


   Sannadkasta Bisha 12 / 9keeda, waxaana halku dhig looga dhigay "United Against Corruption". U midowga la' dagaalanka musuqmaasuqa". Waxaana sanadkan aduunyadu xooga saaraysaa "sustainable development goals". (SDG’s) kaasi oo ah Yoolka Horumar waara. Yoolka horumar waaraa ma ka jiraa Somalilaan?


Waxa aduunka oo dhan lagu xusaa maalinta musuqmaasuq, iyada oo la soo bandhigaayo xadiga uu gaadhsiisan yahay Musuqu, Dalalka uu ku badan yahay, Sharaa'iga loo samaystay in xoolo lagu dhaco, iyo in dib-u-eegis lagu sameeyo wax yaabihii laga qabtay iyada oo warbixino la diyaariyay laga soo saaro/la baahiyo.  waana sababta ugu weyn ee loo xuso Musuqmaasuqa.


   Haddaba Soomaalilaan waa meelaha ugu daran dunida ee uu aafeeyay musuqmaasuqu, inta badan ma jiraan isla xisaabtan dhaba oo ka jira badi haayadaha dawlada, waxaana wax isdaba-marintu u dhacdaa si kastoo dambi ama xatooyo xoolo umadeed u dhici karaan.


Tusaale ahaan nidaam xisaabeedka dalku waa "single entry system". Kaasi oo ah nidaam xisaabeed hal dhinac ah, oo aan dhamays tirnayn. Waana mid gaboobay oo laga tagay, waxaana inta badan ka muuqda kaliya dakhli ururrintii, kamana muuqato sidii loo kharash gareeyay ama loo isticmaalay waana taa sababta keenaysa in ay dhacaan wax isdaba marin. Nidaamkan waxa ka fiican kana ilaalin badan ka loo yaqaano "double entry system". Laba dhinac xisaabeed, oo noqonaysa mid dakhli ururineed iyo mid isticmaal labadiiba.


  Nooc kasta oo musuqmaasuq soomaalilaan wuu ka dhacaa. Haddaba si aynu taasi u qeexno waxa mihiima in aynu astayno noocyada musuqmaasuqu u dhacaan. Waxa ka mida Awood oo gacmo gaara ku ururta loogama faa'idaysto mashaariic, waxa kamida in Hantida ma guurtada ah, waxa ka mida dhulka banaan ee danta guuda, waxa ka mida sharciga oo aan sidisii u shaqayn. "infrastructure, real-estates, metal mining, power utilities and aerospace".


Sidaasi oo ay tahay hadaynu xusno meelo gaara waxa inoo muuqanaysa sida loogu tagri falay Hantidii uu qarankani lahaa, in dhamaan guriyihii dawlada looga faa'idaystay awoodo sharci darro ah iyada oo laga saxeexanaayo madaxweynayaashii dalka soo maray se sifo macquula aan lagu qaadan ee wasiir qaato oo iibsado ama isaga laftiisu galo.


  Marka aad is barbardhig ku samayso masuuliyiinta qaranka soo hoggaamiyay ama us oo shaqeeyay sida ay uga horu mareen dhanka dhaqaalaha iyo noloshooda waxa muuqanaysa in qarankiina kacay oo faqri yahay shaqsiyaad gaarina ay tijaar yihiin iyaga oo aan waligood shaqaysan.


  Inta badan kuwa hantida umada boobay waxa ay magansadaan oo difaac u ah Qabiilka, waxaana lagu difaacaa hab qabiil waana gaashaanka ugu weyn ee lagu qariyo tuuganimada. "Marka hebel la taabtaa reer hebel damqanayaa".


Hargaysa Nuuradiin Ibraahin Diini


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...