Qorigaaga Hadii Ninka Aad La Dagaalamaysaa Kaa Qaado, Macnaheedu Waa Inaad Is Dhiibto.

0
Thursday December 10, 2020 - 10:03:04 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1016
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qorigaaga Hadii Ninka Aad La Dagaalamaysaa Kaa Qaado, Macnaheedu Waa Inaad Is Dhiibto.

    Doodu waxay u dhaxaysay laba dhinac oo mar walba iska soo horjeeda,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Doodu waxay u dhaxaysay laba dhinac oo mar walba iska soo horjeeda,

 Mucaarid iyo Muxaafid markasta isku si waxba uma arkaan.



Sababtuna waxay tahay mucaarid waa inuu dhaliisha, xukumada soo bandhigaa, oo uu tilmaamaa, waa sida qudha ee kaga riixan karo xisbiga talada haya.

Xukumada iyo Xisbiga talada hayaana waa inay muujiyaan wixii ay qabteen, iyo rajo wanaag.


Weerarku inta badan wuxuu noqonayaa ninka Mucaaridka ah.

Difaacu waa xukumada iyo xisbi xaakimka oo difaacanaysa, kursiga.


Hordhicii doodaba waxa ii muuqatay in Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Mr Buuni uu faro madhnaa, xitaa muu sidan Note Book yar.


Halka Afhayeenka Xisbiga Wadani Mr Batuun uu soo qaadatay buugii, iyo balan qaadkii kulmiye, oo ahaa mid si wayn u caawiyey.


Aan ku laabto Buuni, oo ay haboonayd inuu isha soo mariyo buugaagtii xukumadu ka qortay waxqabadkii labadii sano ee hore, si ay uga caawiso, dooda iyo weerarka adag ee kaga imanayey Afhayeenka xisbiga Wadani.


Barkhad Jaamac Batuun, inkastoo dhawr qodob oo aan u arko inay yihiin talaabooyin wax qabad uu si cad u dafiray, hadana 90% doodiisu, waxay ahayd mid ku dhisan aqoon karti, dabagal iyo kaalinta mucaaridnimo.


Awooda iyo aftahanimada qofka kaa soo horjeedaa, waxay kaa dhigtaa, sidii qof biyo ku haftay, ama ku dayoobay, goor habeenimo ah ban iyo banaan.


 Waana arinta sababtay in Buuni, sidii qof garashadu ka luntay uu cay uga dhigay, xirfada Timo jarida, oo meel ka dhac ku ah dadka ku shaqaysta xirafadaasi,sidoo kale aan ahayn hadal ku haboona shakhsi meteleya, xisbigii talada hayey.


Halka Barkhad uu erayadaasi cayda ah uu Iskaga dilaacay inuu ku faano xirfada cayda ula muuqatay afhayeenka xisbiga kulmiye mr Batuun.


 Barkhad oo adeegsanayey erayo ay ka mid ahaayeen adigoo ka soo jeeda, gobolkii aqoonta iwm.

Ugu dambayn siyaasiga hubkiisa ugu wayn waa inuu xog dhaba hayo.


Waxa ii muuqatay inaanu afhayeenka xisbiga kulmiye aanu la socon xukumada iyo wixii ay qabatay, ha yaraato ama ha badnaatee.


Waayo aragnimo iyo inaad raadiso xogo xaqiiq ah waxay ka caawisaa, masraxa siyaasada.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...