Adeega Caafimaad Ee Gobolka Hawd Oo Halkii Ugu Liidatay Maraya Iyo Isuduwaha Oo Ku Mashquulsan Shaqaale Uu Ruqsaynayo

0
Tuesday December 08, 2020 - 16:50:52 in News by
  • Visits: 984
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Adeega Caafimaad Ee Gobolka Hawd Oo Halkii Ugu Liidatay Maraya Iyo Isuduwaha Oo Ku Mashquulsan Shaqaale Uu Ruqsaynayo

    Adeega Caafimaad Ee Gobolka Hawd Oo Halkii Ugu Liidatay Maraya Iyo Isuduwaha Oo Ku Mashquulsan Shaqaale Uu Ruqsaynayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Adeega Caafimaad Ee Gobolka Hawd Oo Halkii Ugu Liidatay Maraya Iyo Isuduwaha Oo Ku Mashquulsan Shaqaale Uu Ruqsaynayo

Balligubadle(HWN):-adeegyada caafimaadka ayaa ka mid noqday baahiyaha uu tabayaan guud ahaan deegaanada kala duwan ee gobolka Hawd.

Dhalinyarada gobolka hawd baligubadle - Home | Facebook


Cabasho balaadhan ayaanay dadweynaha gobolka Hawd ka qabaan adeegyadii caafimaadka ee ay uga baahnaayeen dawlada, iyada oo goobaha caafimaadka ee gobolka oo dhami ay noqdaan kuwo kooban oo aan laga helin adeegyada ay bulshadu u baahan tahay.


Hal cusbitaal oo magac u yaal ahaan u jira iyo xarumaha daryeelka hooyada iyo dhalaanka(xanaanooyinka) oo sadex ah isla markaana ku kala yaala Baligubadle, Balicabane iyo Sayla ayaa guud ahaan gobolka Hawd u noqday meelaha ay ka helaan adeegyada caafimaad ee ay u baahan yihiin kuwaas oo haatan u muuqda inaanay dabooli Karin baahiyaha bulshadu qabto isla markaana aan laga heli Karin adeegyada ay dadka tabayaan iyada oo maalin kasta Hargeysa loo dhaafiyo bukaano u baahan daryeel caafimaad.


Goobaha caafimaadka gobolka Hawd ayaa noqday kuwo aan laga helayn daawooyinka loo baahan yahay iyada oo mararka bukaanada loo waayo irbada dhiig joojinta ah iyada oo goobahani ay noqdeen kuwo magac ahaan u jira balse aan marna laga helayn adeegyadii looga baahnaa.


Isuduwaha wasaarada caafimaadka u qaabilsan gobolka Haw doo ah masuulka ugu sareeya ee gacanta ku haya goobaha caafimaadka ee gobolka ayaa noqday mid gabay shaqadiisii kaas oo hadyo jeer u dhaxeeya socdaal uu ugu kala dab qaadayo Hargeysa iyo Balligubadle, isaga oo dadweynaha gobolka Hawd-na mar kasta u sheega balanqaadyo mala awaal ah oo uu kaga jawaabo su,aalaha ay ka keenayaan adeegyada caafimaadka ee ka maqan.


Xanaano oo dhisayey degmada Gumbaraha ayaa musuq maasuq baahsan loo gaystay mashruucii lagu dhisi lahaa iyada oo ay xidhan yihiin dhamaan goobihii caafimaadka ee loogu tala galay xanuunka Covid-19 kuwaas oo ku yaalay xuduuda magaalada Balligubadle, wakhti uu isuduwaha wasaarada caafimaadka ee gobolka Hawd Maxamed Cali Dirayse uu ku mashquulsan yahay hagardaamo iyo shaqo joojin uu la beegsanayo qaar ka mid ah hawl wadeenada sida ku meelgaadhka ah uga hawl gala goobaha adeegooda caafimaad sii baaba’ayo ee magaalada Balligubadle.


Shaqaalaha tirada yar ee sida ku meelgaadhka ah uga hawl gala goobaha caafimaadka ayuu isuduwe Maxamed Cali Dirayse la maagan yahay inuu shaqada ka saaro isaga oo ku badalaya dad uu qoys ahaan u wato oo aan aqoon fiican u lahayn adeega caafimaadka isla markaana uu doonayo inuu awoodiisa kaga dhigo shaqaale rasmi ah.


Wasiirka horumarinta caafimaadka Somaliland Cumar Cabdilaahi ayaa looga fadhiyaa inuu hoos u eego adeegyada caafimaadka ee gobolka Hawd iyo qaabka ay u shaqeeyaan isla markaana uu talaabo ka qaado isuduwaha fadhiidka ka dhigay caafimaadka gobolka ee mudada badan xafiiska joogay isla markaana dulmiga u gaysta shaqaalaha sida ku meelgaadhka ah ugu shaqeeya bulshada tabaysa adeegyadii caafimaad ee ay xaqa u lahaayeen.


Loading...
Loading...