Hambalyo Iyo Taageero Ku Socota Aqoonyahan Ibraahin A Aw-Qoobey Oo U Sharaxan Golaha Wakiilada Gobolka Maroodi-Jeex

0
Tuesday December 08, 2020 - 11:53:51 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1089
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hambalyo Iyo Taageero Ku Socota Aqoonyahan Ibraahin A Aw-Qoobey Oo U Sharaxan Golaha Wakiilada Gobolka Maroodi-Jeex

    W/Q: Cabdixakiin Rays

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cabdixakiin Rays


Waxan Halkan Hambalyo mug iyo miisaan culus uga dirayaa Musharax Aqoonyahan Ibraahin Aadan Aw-Qoobey  oo u sharaxan Golaha Wakiilada Gobolka Maroodi-jeex.  Aqoonyahan Ibraahin Aadan Aw-Qoobey  oo kamida Aqoonyahanka dalka dibadiisa ku nool, ayaa waxa uu kamid yahay, dhalinyarada fara ku-tiriska ah ee Alle hibada u siiyey karaamada iyo sharafta hogaamiyenimada ah ee loo dhasho, isagoo isla markaana kamida hantida gaarka ah ee Gobolka Maroodi-jeex ka sugaayo inay hiil uga noqdaan heeryada maamul-xumo iyo musuq-maasuqa bariinsaday ee uu baday Golaha Wakiilada mudada dheer sharci-darada iskaga fadhiyey Kuraasida Golaha Wakiilada Somaliland.



Musharax Aqoonyahan Ibraahin Aadan Aw-Qoobey  ayaa bulshadu aad ugu diiraadeen markii uu soo gaadhay warka sheegaya inuu u taaganyey doorasha soo socota ee Golaha Wakiilada Gobolka M-jeex .


Aqoonyahan Ibraahin Aadan Aw-Qoobey  oo kasoo-jeeda qoys balaadhan oo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed magac iyo maamuus kuleh, gaar ahaan bulshada reer Somaliland-na ka caan ah oo ay kasoo-jeedaan halyeeyo badan oo uu kamid yahay musharaxan Aabihii Haldoor Aadan Aw-qoobey, (AHUN) oo ahaa siyaasi rug cadaa ah oo kamid ahaa halyeeyadii miisaanka culus ku lahaa xisbigii UDUB.


Aqoonyahan Ibraahin Aadan Aw-Qoobey ayaa sidoo kalena kamida masuuliyiinta ugu saraysa ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo uu haatan ka yahay gudoomiyaha guud ee Xisbiga Waddani ee dal-weynaha Maraykan oo ah laanta ugu balaadhan ee xisbiga Waddani ku leeyahay dalka dibadiisa.


Aqoonyahan Ibraahin Aadan Aw-Qoobey, oo la-filaayo inuu dalka kusoo guryo noqdo maalinta Axada  ee 13 Dec 2020 ee fooda inagu soo haysa , ayaa waxa bulshadu ka filan kartaa inuu kaalin muhiima ka ciyaari-doono xubinimadiisa Golaha Wakiilada hadii Alle qaaro oo uu ku guulaysto doorashada.


Guntii iyo gabagabadii waxan maqaalkaygan kusoo af-meerayaa Aqoonyahan Ibraahin Aadan Aw-Qoobey , Baahi weyn bay bulshada gobolka M-jeex u qabaan inuu kusoo biiro hogaankooda maamul ee Golaha Wakiilada Gobolka,  waanu ku guulaysanayaa insha alaah hankiisaas iyo himiladiisaas Siyaasadeed ee uu isu soo taagay.


Allaa Mahadleh

W/Q: Cabdixakiin Rays

[email protected]

Hargeysa/Somaliland



AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...