Dacwado Farmaajo U Gudbinayo Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo La Shaaciyey

0
Tuesday March 05, 2019 - 15:30:50 in News by
  • Visits: 2711
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dacwado Farmaajo U Gudbinayo Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo La Shaaciyey

    Dacwado Farmaajo U Gudbinayo Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo La Shaaciyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dacwado Farmaajo U Gudbinayo Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo La Shaaciyey

Muqdisho(HWN):-Gudoomiyaha xisbiga Waddajir ee dalka soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa soo bandhigay ujeedada socdaal uu madaxweyne Farmaajo ku tagayo wadanka Itoobiya.

Gudoomiye Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaciyey in madaxweyne Farmaajo uu raysal wasaaraha Itoobiya gaadhsiinayo dacwado uu qabo.

Gudoomiye xisbiga Waddajir ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku yidhi:-

Madaxweynaha wuxuu maalinta berri ah u socdaa dalka Itoobiya. Waxaa ka sii horreeya taliyihiisa Nabadsugidda. Waxaan maqlayaa in ay ashtako ka yihiin saddex geesoodka cusub ee shalay la yagleelay (Ethopia, Eriteriya iyo Kenya). Waxay kaloo dacwad ka yihiin casho sharaf uu Raysalwasaaraha Itoobiya u sameeyey madaxweynaha Kenya oo lagu casuumay wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya.

Hoggaanka dawladda markii ay xukunka dalka la wareegeen waxa ay si xamaasad iyo laablakacleh ugu celceliyeen in Soomaaliya aysan tii hore ahayn. Waxay shacabka kula hadleen in ay Soomaaliya miisaankeedii soo ceshatay, haa iyo maya-na oran karto, oo ay tahay qaran madaxbannaani buuxda leh oo dooran kara halka ay ka gelayso isbahaysiyada Geeska Afrika iyo Gacanka Khaliijka ku loolamaya.

Siyaasadda arrimo dibadda waxaa lagu kala heybadaystaa hadba inta uu miisaankaagu la egyahay, awood ciidan iyo mid dhaqaale labadaba, saaxiibka aad leedahay ee aad dhabarkiisa ku dangiigto. Soomaaliya haatan ma laha saamayn togan (leverage) oo ay culays diblomaasiyadeed ku samayso.

Waa dal ku jira marxalad iyo geeddi-socod uu uga soo kabanayo burbur iyo colaad sokeeye oo muddo dheer ragaadisay. Waa dal aanan weli laheyn itaal qarannimo oo looga haybeysto. Nasiibdarro maanta looma arko Soomaaliya dal qaran buuxa leh, sababtoo ah dawladdu ma laha awood ay ku ilaaliso gobonimada gudaha ee dalka (internal sovereignty) iyo gobonnimada dibedda (external sovereignty).

Gobonnimada gudaha waxaa ku haysta xoogag hubaysan sida Al-shabaab iyo kuwa aan hubaysnayn sida maamullada gobollada iyo Somaliland. Kuwa hubaysan waxaa ka ilaaliya ciidan ajnabi ah oo qaarkood dano toos ah ka leh Soomaaliya, kuwaasoo ciidankoodu uu ku jiro caloosho dalkeena.

Berrito lama yaabayo in Abiy Axmed garoonka ugu yimaado Madaxweyne Farmaajo oo baambayda loo garaaco, heesta calanka Soomaaliyana loo qaado, ka dibna ha socoto hawsha ay ahaato.

Qaran Soomaaliyeed wuxuu gobannimo buuxda heli karaa xilligii ay dawladdiisu Al-shabaab ka adkaato ama la heshiiso, markii ay gobannimada gabal gabal gobollada dalka u kala taal hal gacan soo gasho; midnimo Soomaaliyeed iyo isku duubni ummadeed la helo.


Loading...
Loading...