Safiirka Magac U Yaalka ah Ee Somaliland U Fadhiya Dalka Jabuuti C/fataax Axmed Siciid (Caws Iyo Biyo Ku Nool).
Waxaa iska caado noqotay in Somaliland intii ay la soo noqotay xorriyadii ay lumiyeen 33 kii mudane Baarlamaan ee Somaliland 1960kii, marka laga reebo Michael Maryamo Cali oo ka aragti fogaa kana aragti duwanaa kuwa kale ee u gacan galiyay gobanimaddii la dhaliyay 1960kii, maafiyaddii soomaliyaddii Taliyaanigu gumaysan jiray, in nin walba iska sheegtay in uu yahay siyaasi iyadoo aan cidi wax khibrad ama aqoon oo uu leeyahay siyaasadan uu jeebka kala soo baxay aanay waydiin oo xataa ka u magacaaba xil aanu ka uu magacaabayo waxba dhaamin inta badan oo uu inoo sheeganayo In uu yahay mid ka dhiliya gabigeedaba.
Waxaanay sheekadaasi isoo xasuusisay 1990 kii ayaa amiiradii Dianna Spencer ee aakhirkii ku geeriyootay dalka Faransiiska 1996 kii ayaa calmatay in loo magacaabo safiirkii u fadhiyay dalka UK u fadhiya wadanka Arjantiin, taasina waxa ku gacan saydhay dawladdi conservative ka ee uu hogaaminay John Mayor taasi oo markii danbe warbaahintu waydiisay sababta loogu diidaay Amiirada in shaqadaa qarankeeda u qabato, dawladuna sabab uga dhigtay In aanay lahayn wax khibrad ah oo ku saabsan arrimaha diblomaasinimada, oo ah shaqo aan dhib yarayn oo u baahan aqoon iyo waayo aragnimo arrimaha dibadda ku saabsan haddii aanad labaddaa mid lahayna aanad iska noqon Karin diblomaasi dabadeedna sidaa ay waji gabax kala kulmayso dawladdii ama xukuumaddii ku magacwayday.
Waxaan dhowr bilood ka hor aan ka halacsady warbaahinta Somaliand Cabdi Fataax Axmed Siciid kaasi oo u laqimaya in uu guul wax ku ool ah ka soo hooyay, dalka yar ee Jabuuti kana keenay gaadhi ay ku raran yihiin dawadda lagu sifeeyo kaliyaha kuna socota dhakhtarka guud ee Hargaysa kaasi oo aan wax badan ka fogayn madaxtooyada uu ka baarqabeeyo Muuse Biixi Cabdi ( Wax Ma Yaqaan) isaga iyo xukuumaddiisuba ay tahli kari waayeen inay wax la taaban karo ka qabtaan arrinkaa kaliyaha iyo bukaanka oo isla il daran, markaa waxa la yaab leh Muuse ( wax ma yiqaan) oo faan been ah la taagan haddi ay noqoto xaflad qalin jabineed iyo hadii ay tahay goobo kaleba in ay xukuumaddisu tahay mid la mahadiyay taa caksideedana ay tahay tu la eeday oo aan loo barooran doonin marka alle shacbiga dhaafiyo, waaba haddii ay timaado tu dhaantaaye oo waxa ka mid ah kuwaa is mahadiyay ee xubnhaha ka ah Cabdi Fataax Siciid Axmed oo loogu cumaamaday safiir ku sheega u fadhiya Somaliland dalka yar ee Jabouti ee aynu jaarka nahay.
Cabdi fataax oo saaxiibki Qabo u hibeeyay naanays ah Caws Iyo Biyo Ku Nool oo ah tilmaan loo Yiqaano lo’da oo aan adkaysi badan u lahayn in ay biyaha ka maaranto oo aan is leeyahay wuu asiibay oo si fiican ayuu u yaqaanay markii uu naanaystaa siiyay, kuwaasi oo labadoodiiba ka soo fuulay sallaanka siyaasadda Somaliland hanjabaad been ah oo ay u direen xukuumaddii Siilanyo, ka dib markii ay dhowr qof oo shicib ah ku dishay qalaalaase ka dhashay doorashadii dawladda hoose ee uu ugu horaysay ee ay xukuumadaasi Siilaanyo isku dayday inay qabato taasi oo dibaddana soo dhigtay karti daradii siyaasadeed ee Siilaanyo kaasi oo muddo dheer ka daba ciyay Madaxwaynihii hore ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin, oo si xarago leh oo raganimo leh uga guulaystay in uu dalka dhowr doorasho oo xor iyo xalaal ah ka qabto.
Aan ku so dabbaalo maqaalkan in ay ka dhasheen hanjaabidihii Caws Iyo Biyo ku nool iyo Qabo in ay ku hantiyeen jagooyin kala duwan ka dib markii ay Siilaanyo ugu hanjabeen in ay saari doonaan maxkamadda caalamiga ah ee (Hague) Siilaanyo iyo xukuumadiisa dilkaa ay u gaysatay dadkaa shacabka ah, laakiin taasi ay ahayd mid been ah oo ay ku fushanayeen in ay ku koraan sallaanka siyaasaded ee khiyaalka ah kuna dhisan tahay dawladnimadda Somaliland ka dib markii warbaahinta Somaliland ka tuseen dadka shicibka ah ee reer Somaliland, qasharkii rasaastii dadkaasi lagu laayay aanayse ahayn kuwo uga sokeeya xukamaddii laysay laakiin waxa kaliya ee ka danbeeyay eedamayhaasi in ay ahaayeen ku halabsiga iyo gujo maalka xukuumaddi Siilaanyo , oo ahayd mid si fudud loo ruxruxan jiray taasina labadooda u meel martay, kuna hantiyeen darajooyin sarsare iyo xilala ay xukuumada ka soo qabteen wallow maanta uu wali yahay Cabdi Fataax Siciid Axmed (Caws Biyo Ku Nool) safiir magac u yaal ah oo aan macno badan ku fadhiyin oo qabaan ah dawlada kaligii taliye Ismaaciil Cumar Geele, oo aad is odhanayso waaba afhayeenkii xukuumada Jabuuti mararka qaarkood sida uu u difaacayo marka muwaadiniinta reer Jabuuti eedeeyaan xukuumadda kaligii taliye Geellaha Jibuuti kaasi oo si qarsoodi ah ugu xilsaaran daminta dhaliil kasta oo kaga timaada shacabka iyo warbaahinta Somaliland, oo kuna aadan kaligii taliye Ismaaciil Cumar Geelle aanad ku murmi karayso inta uu is tuso Somaliland iyo xukuumadeeda.
Waxaa ka badan intuu u tafo xayto ta kaligii taliye Ismaaciil Cumar Geelle. Cabdi fataax Siciid Axmed oo lagu yaqaano faan iyo diblomaasinimo xadhkaha goosatay,kaasi oo uga soo baryay xukuumada Jabuuti gaadhi ay ku raran yihiin dawooyinkaasi kalyaha bukaanka jiifa ee u soo doonta adeega caafimaad dhakhtarka Hargaysa oo aad halkaa ka ogaan karto in aanay Somaliland lahayn Siyaasiyiin dhab ah balse ay leedahay danaystayaal dhab ah, tan iyo 1960kii bishii June oo ay hantiday xorriayadeedii haddii kale se maalin uun bay dadka Somaliland heli lahaayeen nolol dhaanta tan hadda ay ku jiraan iyo cid ka saarta waanayse lahayn dhabtu waa ciddii is diidsiinaysa iyo ciddii kaleba.
Eebbow adaa ku cilmi leh sababta ay mar walba siyaasiyiin ugu yihiin dad noocaas ah Somaliland, Qabo oo hadda dibadda looga tuuray xisbigii Kulmiye iyo xukuumaddii uu dhalayba kaasi oo hanjabaadaa uu ku helay xilka iyo saaxiibkii Caws Iyo Biyo ku nool oo iskula wayn gaadhiga xoogayga dawadda ahi ku raran yihiin ee uga soo baryay Somaliland dalkaa yaree Jabuuti, iyadoo Somaliland ahayd in ay maanta ahaato sida Malaysiya iyo Singapore haddii ay bilowgiiba heli lahayd siyaasiyiin dhab ah oo aan ahayn Qabo iyo Caws Iyo Biyo Ku Nool, Muuse Biixi Cabdi (Wax-ma-yiqaan), Siilaanyo iyo kuwo la mid ah hase ahaate ka quusan mayno naxariista Eebe waxaynu rajaynanyaa in uun maalin uun eebbe ummadda Reer Somaliland u keeno kuwo dhaama( Caws Iyo Biyo Ku Nool) iyo kuwaa kale ee aan qaar ka soo magacaabay, korna ku xusan.
Qore: Cabdi Muxumed
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!