Dagaalka Iyo Dulanka Geeska Africa W/Q Mohamed Aden Hassan.

0
Monday December 07, 2020 - 10:33:50 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1025
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dagaalka Iyo Dulanka Geeska Africa W/Q Mohamed Aden Hassan.

    Xaalka Ethiopia ma fiicna iyo guud ahaan ka geeska Africa waynu la soconaa waxa socda cidna kama qorsoona.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaalka Ethiopia ma fiicna iyo guud ahaan ka geeska Africa waynu la soconaa waxa socda cidna kama qorsoona.

Ethiopia waxay u jehaystay dagaal ku salaysan dhinaca qomiyadaha iyo qalalaase quus goyn ah oo joogta ah ka dib gulufkii colaaded e Tigray peoples liberation front iyo dawladda dhaxe e Ethiopia waxa xaqiiq noqotay wixi aynu saadaliniyay o ah in TPLF ay duurka gali doonto isla markaana ay bilaabi doonan dagaal ah ka dhufo o ka dhaqaaq taas waxa soo labeeya qomiyidi hanka waynayd e Amhara ayaaba damac kaga jiraa in saddex degan o gobolka ismaamulka Tigray hoos yimaada in ay si toos ah u sheegtanba taas o gilgishay qalbiga nabadoonki colaadyahanka isu rogay e Abiy Ahmed waxaa taas so raaca In Amharada iyo Oromduna isku maranyihin o is qabqabsi iminka si toos ah usoo baxay u bilaabmay.



Awalba Ethiopia waxay ahayd karbaash isku toltolan waxa suurtagala in ay dhawaan kala daato ha dhawaato amaba ha durugsanato.

 

Dagaalka Ethiopia miyu yahay mid caalimiya?

 

Jawaabta suashani waa haa marka laga yimaado in dagaalka Ethiopia yahay mid gobol o samayn wayn ku leh geeska Africa haddna waxa jira labada quwadood e dunida waa USA Iyo China ee in ay ku hardamayaan geeska Africa isla markaana saldhiga duulanku u yahay Ethiopia ,chinaha ayaa ku leh shirikaad waawayn waxa una maalgashaday Ethiopia in badan xataa isaga ayaa dhisay xurinta midawga Africa e magaalada Addis Ababa Waxa uuna maalgashaday Grand Ethiopian Renaissance Dam ee ku yaal ismaamulka Benishangul-Gumuz isla markaana biyo xidheenkaas o ah kan ugu wayn qaarada Africa kana mid ah 10 ka biyo xidheen e dunida ugu wayn kaas o colaad hor leh ka abuuray Ethiopia , Egypt iyo sudaan dhanka kale USA ayaa ah saaxib wayn o Ethiopia ledahay iyo xaliif wayn o Ethiopia in badan soo gacan qabatay waxa ayna xukumada washigton ledahay maalgalinta ugu wayn nee biyo xidheenka Ethiopia.


Sido kale dalalka bariga dhaxe ayaa ku hardamaya geeska Africa o UAE ayaa ah iyana xaliif wayn o maalgashi o Ethiopia maalgalisay sida daraded waxa ay iyana ku hardamayan dalka masar o raba in qorshe guulaysta laga gaadho biyo xidheenka isla markaana bilaabay hadalhaynta ah in ay duqenayaan biyo xidheenka wallow ay tahay riyo maalmeed UAE kuma qancasna siyaasada masar e biyo xidheenka maadama ay maalgashi wayn ku ledahay biyo xidheenka iyo guud ahaan Ethiopia.


Waxa kale isna la rejanaya in ay soo caga dhigtan dhawaan Qatar-Tukey.

France ka ayaa isna qorsheyay in ay ilalinyaan biyo xidheenka Ethiopia waxana lagu balamiyay saldhiga millatry e jabuuti e france ku leyahay in ay wax walba o xad gudub ah ka ilaaliyaan biyo xidheenka.

 

Ugu danbayn dagaladaas qorsoon e aynu kor kuso xusnay ayaa geeska Africa ka socda waxana laynoga bahanyahy in aan daraaseno o si qoto dheer wax u eegno isla markaana mar walba xalka saxan ka qaadano ka Somaliland ahaan si aynu marba uga faaidaysano isla markaana u jaangoyno wax fara badan xataa waynu ku iibin karnaa siyaasada Somaliland e arimaha dabada o udub iyo dhaxtaal u ah nabada iyo xisilooni waarta o dunida ah iyo horumar waara.

 

TWITTER:     H.E Mohamed Aden Hassan

            Email:          [email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...