'' Maxay Ciirta Kagga Heesayaan La Isku Caayaayo ''.

0
Monday December 07, 2020 - 10:21:47 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 988
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    '' Maxay Ciirta Kagga Heesayaan La Isku Caayaayo ''.

    W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ahmed Nour Guruje

'' Maxay ciirta kagga heesayaan la isku caayaayo ''.

Kol hadaanay cuganayn kursiga rag isku ciilaayo , 

Ama aan mid kale oo cuntama laggu casuumaynin ,

Ama aanay caynaanka sarre caga-caganaynin ,

Ama aanay daarood cirshiga kula ciyaaraynin ,

Ama aaney cuurkaa hawiye la camaliyaynaynin ,

Ama aanay caanaha dhamayn dhiilasha cusleeyey ,

Hambo lama cusleeyiyo  waxaan cunaha dhaafayne ,

Buq-buqoodka waa ceeb nin raggi inuu cantuugaaye ,

Maxay ciirta kagga heesayaan la isku caayaayo .

 

W/Q: Ahmed Nour Guruje


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...