Trump Oo Sheegay In Qareenkiisa Rudy Giuliani Uu Ku Dhacay Covid-19
Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in qareenkiisa Rudy Giuliani laga helay cudurka Covid-19.
Madaxweynaha ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray: "Caafimaad degdeg ah ayaan kuu rajaynayaa Rudy, howshuse waa ay socon doontaa!"
Mr Giuliani, oo hogaaminayay kooxda ololaha Trump ee loollanka dhanka sharciga galinaysa natiijooyinkii doorashada 2020, ayaa ah qofkii ugu dambeeyay ee ku jira xayndaabka dhaw ee madaxweynaha ee cudurka laga helay.
Madaxweynaha iyo kooxdiisa ayaa waxaa lagu dhaleeceeyay inaysan raacayn hab raaca badqabka. Mr Trump ayuu cudurku ku dhacay bishii Oktoobar.
Mr Giuliani, 76, ayaa waxaa la dhigay isbitaalka Georgetown University medical centre ee Washington DC, sida ay qoreen warbaahinta New York Times iyo ABC News.
Maayirkii hore ee New York ayaanan meel fagaare ah ka sheegin xanuunka laga dawaynayo.
Ma ay cadda inay ka soo baxeen caalamadaha iyo marka uu cudurku ku dhacayba.
Ku dhawaad 14.6 milyan oo qof ayaa waxaa gudaha Mareykanka uu kula dhacay cudurka Covid-19, sida ay sheegtay Jaamacadda John Hopkins, halka 281,234 qofna ay u dhinteen - tiradaas oo ah tan ugu badan dal caalamka ku yaal.
Axaddii, Dr Deborah Birx, xiriiriyaha guddiga fayraska korona ee Aqalka Cad, ayaa waxa ay maamulka Trump ku dhaleecaysay in aanay raacayn habraacyada oo ay gadayaan "sheekooyin mala awaal ah" oo cudurka ku saabsan.
"Waxaan maqlayaa in qaar ka mid ah bulshada ay xaaladaas oo kale qaadanayaan, oo ay qaateen in mask-ga uusan shaqeynayn, oo ay qaateen inay tahay in hab difaaca jirkeenna aan dhisno," Dr Birx ayaa NBC u sheegtay.
"Waa dhacdadii ugu xumeyd ee uu dalkan wajihi lahaa," ayey tiri.
Tan iyo doorashadii 3-dii bishii Nofeembar, qareenka ayaa dalka u kala safrayay arrintaas oo qeyb ka aheyd dedaallo aanan miradhalin oo lagu doonayay in meesha loogaga saaro guuldarradii Mr Trump doorashada ka soo gaartay. Kulamo badan oo dhacay ayaana lagu arkay isagoo aanan xirnayn mask-ga wajiga lagu xirto sidoo kalana iska dhegatiraya kala fogaanshiyaha dadka.
Khamiistii la soo dhaafay waxa uu u safray gobolka Georgia halkaas oo markale kaga celiyay eedo aanan kala sooc lahayn oo ku aaddan in codka lagu shubtay markaas oo uu la hadlayay guddi Senate-ka oo dhagaysanaya ammaanka doorashada.
Tobonnaan qof oo ku jira xayndaabka Trump ayaa la sheegay inuu ku dhacay cudurka Covid-19 tan iyo bishii Oktoobar. Wiilka Mr Giuliani, Andrew, oo lataliye ka ah Aqalka Cad, ayuu cudurku ku dhacay bishii la soo dhaafay.
Boris Epshteyn, oo ah lataliye kale oo Trump, ayaa waxaa laga helay cudurka waxyar uun kaddib markii uu Rudy Giuliani 25-kii Nofeembar shir jaraa'id ay wadaqabteen.
Dadka kale ee uu cudurka ku dhacay waxaa ka mid ah madaxa shaqaalaha Mark Meadows iyo xoghayaha warbaahinta Kayleigh McEnany, iyo xaaska madaxweynaha Melania iyo wiilasha Donald Trump ee Donald Jnr iyo Baron.
Daweyntii iyo isbitaalkii la dhigay Mr Trump ayaa waxa ay curyaamisay ololihiisa uu ku doonayay inuu xafiiska muddo xileed labaad ku sii joogo, iyadoo markaas ay muddo bil ka yar ka harsaneyd waqtigii uu doorashooyinka madaxtinimada kaga hortegi lahaa Joe Biden.
Mr Trump ayaa waxa uu diiday inuu qirto in lagaga adkaaday doorashada, waxa uuna ku adkaystay iyadoo uusan caddayn u hayn in doorashada la xaday ama lagu shubtay. Xeer Ilaaliyaha Guud, Bill Barr, ayaa todobaadkii la soo dhaafay sheegay in waaxdiisa aanay arag wax caddayn ah oo muujinaya inay jireen wax isdabamarin baahsan oo dhanka codbixinta ah arrintaas oo wax ka badeli karta natiijada doorashada.
Mr Biden ayaa waxaa xilka madaxtinimada loo dhaarin doonaa 20-ka bisha Janaayo ee soo aaddan.
BBC