Somaliland:-Shilalka Baabuurta Oo Tiro Beelay Iyo Qalab Xukuumadu Sheegtay In Lagu Xidhayo Baabuurta Oo La Baafinayo

0
Sunday December 06, 2020 - 13:18:26 in News by
  • Visits: 1897
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland:-Shilalka Baabuurta Oo Tiro Beelay Iyo Qalab Xukuumadu Sheegtay In Lagu Xidhayo Baabuurta Oo La Baafinayo

    Somaliland:-Shilalka Baabuurta Oo Tiro Beelay Iyo Qalab Xukuumadu Sheegtay In Lagu Xidhayo Baabuurta Oo La Baafinayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland:-Shilalka Baabuurta Oo Tiro Beelay Iyo Qalab Xukuumadu Sheegtay In Lagu Xidhayo Baabuurta Oo La Baafinayo

Halkee Ayey ku dambeeyeen Qalabkii lagula soconayey Xawaaraha Gaadiidka Basaska ee Gobollada u kala qaada Rakaabka Ee Sannadkan sii dhamaanaya Wasaarkadda Gaadiidku Sheegtay In Ay ku Xidhay Baabuurta.


Shilalka gaadiidka dadweynaha ee Rakaabka u kala qaada Gobollada Somaliland, ayaa ku sii badanaya dalka bilihii u dambeeyey.

Shilalkan oo ay ka dhashaan Dhimasho iyo dhaawac soo gaadha dadka rakaa ka ah ee raaca gaadiidka dadweynaha, ayaa toddobaadyadii u dambeeyey ku soo kordhayey dalka, iyada oo aan illaa imika si rasmi ah loo soo bandhigin sababaha keenay shilalkan dhacaya ee dhimashada keenaya.

Wasaaradda Gadiidka iyo jidadka Somaliland, ayaa dabaqaayadii sannadkii 2019-kii ku dhawaaqday in ay hir gelisay nidaam lagu soconayo Xawaaraha Gaadiidka Basaska ee gobollada u kala goosha.

Qorshahan oo Wasaaraddu sheegtay inuu hir gelayey sannadkan sii dhamaanaya ee 2020-ka, ayaa u muuqda mid aan shaqayn, madaama oo shilalka dhacay sannadkan badankoodu yihiin kuwo ka dhashay Basaska ay leeyihiin shirkaddaha Baabuurta rakaabka qaada ee gobollada u kala goosha.
Wasaaradda Gaadiidka iyo Jidadka, ayaa weli iyadu ka hadal qalabkan Xawaaraha Gaadiidka lagula soconayey ee ay hir galisay inuu shaqeeyey iyo weliba wax uu ka taray shilalkan sii badanaya








Loading...
Loading...