Magaalo Waa Madal Inta Joogtaana Waa Markhaati.

0
Sunday December 06, 2020 - 10:09:18 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 802
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magaalo Waa Madal Inta Joogtaana Waa Markhaati.

    Qore : Sharmake Maxamed Farah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore : Sharmake Maxamed Farah.

Tan iyo goortii loo magacaabay xogyaha fulinta degmada laascaanood mudane cabdiraxmaan khadar faarax (sadiiq) ayaa waxaa degmadu ku talaabsatay horumar la taaban karo oo si xawli ah u tisqaaday, taasna waxay ku timi tamarka, caqliga iyo dedaalka  aan hagrashada lahayn ee uu geliyay masuulkan degmadiisa.



Aqoonta qofka, wacyiga taagan, u warhaynya bulshada, tallo weydiinta waayo araga, ku xidhnaanta dhalinyarada, hafnaanta shaqada , hawlkarnimada aan hagrashada lahayn, wejifurnaanta naxariista leh ayaa ah astaamaha suuban ee uu ku caan baxay xoghaye sadiiq khadar.


Xogahaye sadiiq ayaa xilkaas loo cimaaday xili ay qabyo iyo dhaqdhaqaaq la'aan baahsani ka muuqato booska xoghaya dawlada ,waxana la odhan karayay waxa fadhiid ahayd shaqadii xoghaye.


Xoghayahan oo gacan ka helaya hawl-wadeena dawlada hoose iyo duqa degmada ayaa ku talaabsaday horumar la taaban karo, isago fuliyay waxqabad aan isaga hortiis ka tisqaadin degmada.


Sida la ogyahay waxa degmadan regaadiyay khilaaf dhuleed oo baahsan taas oo u baahan in la xaliyo, xoghaye sadiiq oo adeegsanaya aqoontiisa iyo kartidiisa ayaa hawlahaas ku xaliyay sidii sharcigu qabay qarkood si caaqilnimo iyo odaynimo leh ayuu kusoo afjaray.


Intii uu booskan joogay waxaa hirgalay in dawlada hoose ku dhaqaaqdo talaabooyin horimarineed oo aan cidna ka qarsoonayn.


Booska xoghayaha dawlada hoose ayaa ah booska laga wado ama laga fuliyo shaqo maalmeedka iyo qorsho maalmeedka u dhegan dawlada hoose.


Waxaa lagu xasuusan doona xogahaye sadiiq iyo kaashanaya bahdiisa shaqo wadaagta ay yihiin in uu qabtay hawlahan hoos ku xusan.


1: in uu yareeyay xeerarna kasoo saaray khilaafka dhulka isagoo kaashanaya waaxda dhulka ee dawlada hoose, waxaana nidaamkan midhihii ka baxay noqdeen in gebi ahaanba uu yaraaday khilaafka dhulka ama uu ku dhawyahay in uu istaago.


2: isagoo kaashanaya waaxda fayo dhawrka iyo arimaha bulshada ayuu masuulkan qabtay in il gaara lagu hayo tayada cunto iyo raashin ee gobalkan laga isticmaalo waxana dhacday in la qubay cuntooyin badan oo dhacay kal horena caadi ka ahaa degmadan.


3: isagoo kaashanaya waaxda maaliyada iyo xisaabaadka dawlada hoose ayuu sameeyay isla xisaabtan halkaasna waxa ka baxay wado kasto uu ku imaan karayay musuqmaasuq , waxana si maalinle ah usoo baxa warqada income statementiga ee dawlada hoose leedahay.


4: intuu uu joogay xoghaye sadiiq waa mudadii ugu badneed ee dawlada hoose shaqaysiiso dhalinyaro aqoonyahan ah wana sababta keentay in xaruntani ku talaabsato horimar la taaban karo.


5: masuulkan ayaa si joogta ah ula socda qurxinta iyo bilicda magaalada wuxuna dhirayn ku sameeyay dhamaan xarumihiu publicga ahaa sida iskoolada iyo goobaha caafimaadka.


6: waxa dayactir u ku sameeyay laamiyada magaalada kuwaas oo aan kal hore si joogta loo dayax tiri jirin.


7: waxay suurogeliyay in uu degmadani yeelato dab demis kaas oo 24 hour joogta ku ah xarunta dawlada hoose ee degmada.


8: wuxuu ilgaara ku hayaa qayb weyna ku leeyahay in uu daryeelo , qalabeeyana dugsiga dhagoolayaasha degmada, waxaana si joogta uu masuulkani u bixiyaa shidaalka lagu kala wado hawlaha shaqo ee dugsigaas , taas oo fududaysay in ardaydaas ay si joogta looga soo qaado looguna celiyo guryahooda.



9: wuxu tayeeyay ama dhismayaal kuso kordhiyeen kawaanka degmada kaaso awal dayacnaa ,fayodiisuna aysan hagaagsanayn.



10: intiu uu joogay booskan xoghaye sadiiq waxa dhacday in ay dawlada hoose bixiso schoolarship taas oo la siinayo ardayda wax ka barata gobalka.


11: wuxu si baaxad leh uga qayb qaatay dejinta colaadii adhicadeeye iyo jidbaale wuxuuna door weyn ku lahaa in si wanaagsan usoo gebogabooban colaadahaas.
Hadana diyaar u yahay sidii loo sii adkayn lahaa nabad degmada laascaanood.


12: wuxu door weyn ku lahaa in dawlada hoose kusoo hirtaan haayado caalami ah kuwaas oo kaqayb qaadanaya horumarinta degmada waxna way qabteen ,balanqaadna waa kaga sugayaa.


Taariikhdu iyada dib isku qoraysa , kii timir beera iyo kii tiin beera iyada sheegaysa, kaan waxba tarinta iyada tilmaamaysa.

Iska hadal looma hadlee waxa dhacay ba laga hadla.


Qore : sharmake maxamed farah.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...