' Mogdisho Iyo Hargaysi Maxay U Heshiin Laayihiin ''.

0
Saturday December 05, 2020 - 17:27:53 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1237
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    ' Mogdisho Iyo Hargaysi Maxay U Heshiin Laayihiin ''.

    W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ahmed Nour Guruje

Wasiirka arrimaha debedda ee Sucuudigga Faisal bin Farhan Aala sucuud ayaa saxaafadda u sheegey in khilaafkii u dhaxeeyey wadankiisa iyo Qatar uu ku dhaw yahay in lasoo afjarro , dhinacyaduna ka heshiiyeen khilaafkii u dhaxeeyey .


Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha dabadda ee Qatar Sheekh maxamed Bin C/raxmaan Al Thaani ayaa isna dhiniciisa saaxafadda u sheegey in khilaafkii u dhaxeeyey wadamada khaliijku dhawaan soo afjarmayo .


Aduunyadda sidaas oo kale ayaa dhib kastoo jirra looga heshiiyaa , waxaana tusaale ugu filan Carabtii iyo Yuhuudii oo dhawaan heshiisey , Maraykan iyo Daalibaan oo heshiiyey iyo Itoobiya iyo Ereteriya oo iyana heshiiyay .


Dhinaca kale , Wadamadda ilbaxa ihi in ay isku biiraan iyo in ay kala baxaan midna waqti kuma lumiyaan , waxaana u sharadda uun Afti dadwayne , waxaana tusaale kuugu filan Boqortooyadda Ingiriiska oo mar walba Scotland afti u qaada aayo ka tashiya iyadoo natiijadda uun laggu wada socdo hadba dhankay u dhacdo .


Wadamadda Reer yurub uun maahee , xitaa wadamadda Geeska Afrika ee Igad ayaa aftidaas fahmay oo ku kala baxay sidda Itoobiya oo Ereteriya u hambalyaysay aftidii ay kagga gode iyo Soodan oo u tahniyadaysay Koonfurta Sodan aftidii ay kagga baxday . dhinaca kale Itoobiya maanta waxay bogaadinaysaa hiika ay ka heshey Ereteriya hadii aan Ereteriya u hiilinina maanta halis bay geli lahayd .


Si kastaba ha ahaatee ,  Waxa Mogdisho iyo Hargays la kala bixi waayeen 30 sanadood ee ay isaga lushaaan waxa weeye , Mogdisho waxay u aragtaa Somaliland baadi aan sumad lahayn oo lixdankii usoo gashay , baadidaas oo ay ku dhigatay sumad la yidhaahdo Soomaaliya taasoo aan xaq iyo xaquuq midna u lahayn in ay dib uga fikirto , sidaa darteed inta Mogdisho aqoonsanayso in Hargaysi aanay ahayn baadi lixdankii usoo gasha Hargaysa iyo Mogdisho ma heshiin karayaan .

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...