Qayrkii Nin Loo Xiirayoow, Soo Qoyso Adiguna Si Aan Qoorta Kuu Jaro.

0
Saturday December 05, 2020 - 10:56:26 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 838
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qayrkii Nin Loo Xiirayoow, Soo Qoyso Adiguna Si Aan Qoorta Kuu Jaro.

    W/Q: Ismail Abdillahi Handuleh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ismail Abdillahi Handuleh.

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM.[A.S.C.W.R.W.B],

TU KHAAS AHNA BAHDA H/W IYO AKHRISTAYAASHEEDA.

 

1-Qayrkiis nin loo xiirow,soo qoyso adiguna.

   Qasaare iyo Guul,Wax ku qaado tanu qabo,

   Qadimayso beledu,Qoon bay dul joogtaaye,

   Qun haddaad u hurudo,Qaan weeye ku taal,

 

2-Qaar dooniyo,Qof diida Qudhqudhu ku liqaya,

    Qadhadhkeeda laaca,Qasab bay ku noqotaa,

    Qorshe kaan lahayn,Qunyarba la soo qaban,

    Qiila looma waayoo,Qiyaas shalay wixi dhacay.

 

3-Qaran waynu nahay jira,Qarin mayno tabashe,

    Qalqalooci fara baday,Qaaradani haw daraate,

    Quwadahan aduunyada,Qaybsaday asaageena,

    Qaarun maa ku biirtan,Qoys qudha kolay tahay.

 

4-Qoortugaalo iyo guux,Qoolaali daymada qamunyiyo,

    Qanjiidhada qardajeexa,Hadalada laysu quusinaaye,

   Qoolanyihiin mareeguhu,Qaraxeed dhawaan yahay,

   Qaylo dhaan cid loo diro,Qorshaheed ma haysaan.

                                  Ismail Abdillahi Handuleh.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...