Maareeye Cidin Iyo Maareeye Yaaquub Siday Uga Duwanyihiin Solteco Iyo Hassan Shahar.

0
Saturday December 05, 2020 - 10:40:01 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 967
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maareeye Cidin Iyo Maareeye Yaaquub Siday Uga Duwanyihiin Solteco Iyo Hassan Shahar.

    W/Q: Mohamed Bashe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Mohamed Bashe
Badi dunida horuumartay marka doorashooyin soo SOCDAAN ee Musharixiintu  bilaabaan (campaigns) ka EE ay joogto fursadaha dadka lagu kala hanto EE dadka maskaxooda wax lagu shubto EE qalbiyadooda la BEDELO waa marka dooda iyo (communication, exchange, Express iyo talk or speeches) lagu kala guulaysanayo, waakii gabayaagii weynaa lahaa AFKU WUXUU LA XOOGYAHAY MAGLIGA XAWDA KAA JARA E ) . MARKAA ayaantii  dhoweyd ee Sheekh ADAM  Siiro  oo ah Sheekh aad u qiimo weyn oo in badan Shacab ka SOMALILAND iyo Magaalada HARGEYSA u hadlayey oo talo  iyo tusaale kasoo qaadan jiray Kitaabka quraanka iyo Sunnaha Suubanaw Nebigeena MAXAMMAD (SCW) UU DOORASHOOYINKA KU guubaabiyey shacabka reer Hargeysa si ay isbedel Magalaalada Hargeysa u hesho oo uu run jirta ku  duray madaxda Dawladda Hoose oo uu sheegay  in Xashiishkii iyo qashinkii iyo waddo xumadii ay wax ka qaban kari  waayeen Madaxda JOOGTAA.  Runtii  waa  dhaliil bulshada iyo Madaxweynaha  iyo wasiirka  GUDAHA iyo Xukuumadda inta khusaysa dhabna ah QOF kastaana Daw u leeyey inuu ka hadlo. 
Mareeyayaasha  Berbera  EE Ina Ciddin  iyo Yaaquub na aad wadanku u Majeertay siday Berbera iyo Saaxil AY KA dhigeen.



Sheekh  Adam Siiro  runtii  hadalkiisu FURSAD DAHABIYA  AYUU  SIIYAY SELTECO IYO HASSAN SHAHAR OO HORDHIGAY LAAKIIN  MAY FAHMIN  WAAYO INDHEER GARAD BAAANAY AHAYN SIYAASIYIINA. WAXAA KU HABOONAYD INAY fahmaan in waqti doorasho lagu  jiro oo ah waqtiga la is iibgeliyo ee fursadda  xagga  positive ka loo  DHAQAAJIYO. SIYAASIGA XEEL DHEERAA AHI  DADKA WAX GUUD UGAMA SHEEKOOYO EE WAX QABBAD DADKA QAYBAHOODA KALA DUWAN TAABANAYA OO DADKA XITAA SHAQSI SHAQSI U TAABANAYA AYUU SOO BANDHIGAA HADDUU QABTAY IYO HADDUU TERM KIISA LABAAD QABANDOONO. TUSAALE SIDA  AFAR BIRIISH OO KUWA DADKU KU TALAABO AYAAN DHISAYAA DOOXA HARGEYSA IYO WIXII LA MIDA . SELTECO  IYO HASSAN SHAHAR intay  wada qayileen ayey yidhaahdeen SHEEKH ADAM SIIRO SIDAYNU U RINJIYEYNAA dabadeed sidaasay hog isugu rideen. SHEEKH ADAM SIIRO DHALIIL UU XAQ U LEEYEY BUU YIDHI AWEL HORENA DHALIISHA XUKUUMADDA UMUU QARIN JIRIN SIDA SHEEKHYADA QAAR LAAKIIN SELTECO IYO SHAHAR  INAY DHUL KAASH GARAYSTEEN BAY ISKU CADDEEYEEN OO DAWLADDII WEY CEEBEEYEEN OO HANTI DHAWRKII, XEER ILAALINTII , MAXKAMADII  IYO MADAXWEYNIHIIBA WAY CEEBEEYEEN IYAGUNA HOG WARAABAY ISKU RIDEEN KAADI-CASTOODIINA LA ARAG.


HASSAN SHAHAR,

HASSANAW HADALKU WUU KAA QALDAMAY  WAANUU KAA QOYAYE

WUU KAA QALOOCSAMAY  SIDII QODADKA WAAWEYNE

QORKAA LAGA IDLEEYAA  INTUU KUU QARSOON YAHAYE

QIIIMIGII AFKAAGII KA MADHAY  QAANNA KUGU REEBYE.

M BASHE
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...