Xisbiga UCID Oo Xukuumadda Muuse Biixi Ku Tilmaamay 'Mid Fulay Ka Ah' Go'aan Qaadashada

0
Friday December 04, 2020 - 10:08:50 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1067
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga UCID Oo Xukuumadda Muuse Biixi Ku Tilmaamay 'Mid Fulay Ka Ah' Go'aan Qaadashada

    "Markaa waxaan odhan karaa waa Dawlad aan ku dhiiran go'aamadeeda"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Markaa waxaan odhan karaa waa Dawlad aan ku dhiiran go'aamadeeda"

Burco (HWN) – Xoghayaha guud ee Xisbiga Mucaradka ah ee UCID Axmed Xirsi Ducaale ayaa dhaliilay Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Xoghayaha guud ee UCID oo Safar ku jooga Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ayaa sheegay in sababta ay diwaangelintu u soo gaadhay xilligan ama dib ugu dhacday ay qayb ka tahay go’aan qaadashada Madaxda hoggaaminaysa Qaranka, gaar ahaan Xukuumaddii la soo doortay 2017-kii.

 

Xoghaye Axmed Xirsi Ducaale oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi "Dawladda Somaliland ee inoo dhalatay 2017-kii waxaan odhan karaa waxay ahayd Dawlad fulay ah, Fulaynimadu maaha inaad Goobta dagaalka ka cararto, laakiin Go’aan qaadasho la’aanta ama dhiiranaan la’aantu waxay ka mid tahay fulaynimada Qofka hoggaaminaya iyo Dadka hoggaaminaya Ummadaha.”

 

Xoghayaha guud wuxuu sheegay oo kale "Markaa waxaan odhan karaa waa Dawlad aan ku dhiiran go’aamadeeda, waa Dawlad aynu aragnay saddexdaa sanadood qaabkeeda Go’aan qaadasho, markaa waxaynu u baahan nahay inay la ititibino si aynu horumar iyo wanaag dalkeena u gaadhsiino, si aynu doorasho wanaagsan u galno oo aynu goleba gole kale ugu beddelno.” Ayuu yidhi.


Loading...
Loading...