Shiinaha Oo Si Qarsoodi Ah Galaangal Ugu Yeelanaya Xukuumadda Biden Ee Mareykanka

0
Friday December 04, 2020 - 09:39:25 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 700
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shiinaha Oo Si Qarsoodi Ah Galaangal Ugu Yeelanaya Xukuumadda Biden Ee Mareykanka

    "ay inkabadan 1,000 qof oo ah sirdoon oo xiriir la leh PLA ay dalkaasi ka tageen".

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"ay inkabadan 1,000 qof oo ah sirdoon oo xiriir la leh PLA ay dalkaasi ka tageen".

Sirdoonka Shiinaha ayaa dardar geliyay dadaalladooda ay saameynta ugu yeelanayaan maamulka soo socda ee madaxweynaha la doortay ee Joe Biden, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan waaxda sirdoonka Mareykanka.



William Evanina, oo ka tirsan Xafiiska Agaasimaha Sirdoonka Qaranka ee Mareykanka, ayaa sheegay in Shiineesku ay sidoo kale diiradda saarayaan dadka u dhow kooxda Biden.


Evanina ayaa sheegay inuu ahaa olole saameyn macmal ah lahaa.


Dhanka kale, sarkaal ka tirsan waaxda caddaaladda ayaa sheegay in inkabadan 1,000 sirdoonka Shiinaha ah ay ka qaxeen Mareykanka.


William Evanina oo ka qeyb galay kulan Arbacadii ka dhacay Machadka Aspen, ayaa sheegay in Shiinaha ay isku dayeysay faragelinta dadaallada Mareykanka uu ku horumarinayo tallaalka coronavirus iyo doorashadii dhowaan ee Mareykanka ka dhacday.


Wuxuu intaas raaciyay: "Waxaan aragnay koror, kaas oo horey loo qorsheeyay, annagana waan saadaalinnay in Shiinaha uu hadda faragelintiisa u weecin doono maamulka cusub [Biden].


"Sidaas daraaddeed taas waa mid ka mid ah waxyaabaha aan dooneyno in maamulka cusub uu hubiyo inuu fahansan yahay saameyntaas, sida ay u dhigmeyso, sida ay u dhadhameyso, iyo sida ay u muuqato marka aad aragto."


Labadaba Biden iyo Trump waxay is dhaafsadeen eedeymo qaraar oo ku aaddan in ay saameyn ku leedahay xukuumadda Beijing.


DonaldTrump ayaa diiradda saaray heshiisyada ganacsi ee wiilka uu dhalay Biden ee Hunter Biden ee gudaha Shiinaha, halka musharraxa Dimquraadiga uu farta ku fiiqay akoonka uu Trump ku leeyahay banki Shiinaha ku yaalla.


Intii lagu guda jiray kulankii khubarada ee Arbacadii, John Demers, oo ka tirsanw waaxda caddaaladda Mareykanka ayaa sheegay in boqollaal baarayaal Shiinaha u dhashay oo xiriir la leh militariga dalkaas ay ogaadeen baarayaasha FBI.


Mr Demers ayaa sheegay in baaritaanka uu bilowday ka dib markii Mareykanka uu xiray shan ilaa lix baarayaal oo ah muwaadiniin u dhashay Shiinaha oo qariyay xiriirka ay la leeyihiin ciidamada (PLA).


Wuxuu kulanka ka sheegay in, ka dib markii FBI ay wareysiyo la yeelatay shakhsiyaad kale, "ay inkabadan 1,000 qof oo ah sirdoon oo xiriir la leh PLA ay dalkaasi ka tageen".


Wuxuu intaas ku daray in baarayaasha ay qeyb ka ahaayeen koox ka kooban 1,000 arday Shiinaha u dhashay oo uu Mareykanka u diiday dal ku galka bishii Sebtembar.


Waaxda arrimaha gudaha Mareykanka ayaa sheegtay in ay keliya soo dhoweyneyso ardayda Shiinaha u dhashay ee aan taageersaneyn hadafka xisbiga shuuciga ah ee dalkaas.


Bishii July, waaxda ayaa sidoo kale xirtay qunsuliyadda Shiinaha ee Houston, Texas, iyadoo ku eedeysay xukuumadda Beijing in ay sameysay xatooyo teknolojiyadeed.


Beijing ayaa dhanka kale ku eedeysay Mareykanka takoor, balse Demers ayaa beeniyay in Mareykanka uu isir ahaan u beegsanayay ardayda Shiinaha.

 

BBC

 

Loading...
Loading...