Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Farriin U Diray Shacabka Magaalada Laascaannood

0
Friday December 04, 2020 - 01:23:19 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1931
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Farriin U Diray Shacabka Magaalada Laascaannood

    Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Farriin U Diray Shacabka Magaalada Laascaannood

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Farriin U Diray Shacabka Magaalada Laascaannood

Hargeisa(HWN):-Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koorre ayaa ku booriyay bulshadda gobolka Sool inay Ciiddanka Booliska kala shaqeeyaan hawlaha Nabad-geliyadda.


Waxaanu tilmaamay in gobolka Sool ay hadda ka hanno qaaday xaalad deganaanshiyo amni ah, taasoo u keentay gobolka inuu ku tallaabsado horumar balaadhan oo dhinacyo kala duwan leh, sidaas darteedna bulshadda gobolkaasi looga baahan yahay in ay ciidamadda amniga kala shaqeeyaan sidii nabadgeliyadda loo sii joogtayn lahaa.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Shaaciyay In Laga Helay Cudurka COVID-19 | Hiranweyn Somalia latest news

Saleebaan Cali Koore, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay munaasibad loo sameeyay furitaanka xafiiska bixinta Liisamadda gaadiidka gobolka Sool oo maanta lagu qabtay magaaladda Laascaanood.

Geesta kale wasiir Koore, ayaa u soo jeediyay maamulka gobolka Sool in ay sii xoojiyaan isku xidhnaanta iyo wada shaqaynta bulshadda.
"Runtii ummadda gobolkan Sool ku dhaqan waxa ka muuqata inay deegaankoodda maalgashanayaan, markaad magaalada Laascaannood eegto iyo sida ay u kala baxday waxa ka muuqata Horumar balaadhan oo baaxad leh. 

Qoddobka aynu rabno in aynu gacmaha isugu gayno ka Xukuumad ahaan, ka gobol ahaan, ka degmo ahaan, ka dad ahaan, ka Aqoonyahan ahaan iyo ka Waxgarad ahaan-ba, waxa weeye Nabad-gelyadda. Nabadgelyadda Ciiddanka Booliska oo kaliyi kama shaqayn karro, laakiin waxaynu rabnaa in Ciiddammada Booliska lala shaqeeyo oo gacan la siiyo, waayo haddii Nabaddu innaga xumaato qofkasta way taabanaysaa, markaa waa in si dhaw loola shaqeeyaa Ciiddanka Amniga ee gobolka ku sugan." Ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koorre.

Loading...
Loading...