Madaxweyne Farmaajo Oo Qaaday Tallaabo Ka Dhan Ah Somaliland Oo Muuse Biixi Hore Uga Cawday

0
Thursday December 03, 2020 - 19:20:37 in News by
  • Visits: 3828
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo Oo Qaaday Tallaabo Ka Dhan Ah Somaliland Oo Muuse Biixi Hore Uga Cawday

    Madaxweyne Farmaajo Oo Qaaday Tallaabo Ka Dhan Ah Somaliland Oo Muuse Biixi Hore Uga Cawday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Farmaajo Oo Qaaday Tallaabo Ka Dhan Ah Somaliland Oo Muuse Biixi Hore Uga Cawday


Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha Dawladda Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa Magacaabay Ergayga gaarka ah ee Dalkiisa u qaabilsan Gobolka Geeska Afrika, badda Cas iyo Gacanta Cadmeed.




Madaxweynaha ayaa xilkaa u Magacaabay Yuusuf-Garaad Cumar Axmed oo mar soo noqday Wasiirka Arrimaha dibedda ee Soomaaliya.


Wareegtada uu soo saaray Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu sheegay in Soomaaliya doonayso inay soo ceshato doorkii ay ku lahayd Gobolka Geeska Afrika, sidaasi darteed ay Yuusuf Garaad loo Magacaabay Ergayga Soomaaliya ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanta Cadmeed "Waa muhiim in qorshaheenna muddada fog uu ku qotomo sidii aan mar labaad u soo celin lahayn doorka dalkeennu uu ku leeyahay Gobolka, arrinkaas oo sanadihii la soo dhaafay aan ka gaarnay guul weyn oo waxtar u ah xasilloonida iyo horumarka mandiqadda.” Ayaa lagu yidhi Wareegtada ka soo baxday Villa Soomaaliya.


Tallaabadan uu Madaxweyne Farmaajo qaaday ayaa u muuqata mid uu ku dardar-gelinayo qorshe Soomaaliya ku doonayso inay kaga mid noqoto urur ay ku midaysan yihiin Dalalka Khaliijka Carabta iyo Geeska Afrika, kaasi oo u xil-saaran Maamulka badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, sidoo kalena abaabulaya Qorshe lagu dhisayo Ciidamo ilaaliya Badda.


Dawladda Farmaajo ayaa dedaal ugu jirta in loo daba fadhiisto arrintaasi markay noqoto wixii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ay Somaliland ku jirto, laakiin maaddaama oo ay xilligan Somaliland tahay Dawlad ka Madax-banaan Soomaaliya waxa arrintan ku gacan saydhay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.


Madaxweyne Biixi oo dhawaan hadal ka jeediyey Munaasibad lagu qabtay Dugsiga Tababbarka Ciidammada ee Dararweyne ayaa isagoo ka digaya in Cid kale ku matasho Maamulka badda cas wuxuu yidhi "Cidna naguma matasho badda cas, Dawladaha yidhi Badda cas waxaanu u samaynaynaa Ciidan difaaca ee 8 Dawladood ah waxaanu Cod dheer ugu sheegaynaa Baddayada iyo berigayaga anagaa difaacana, Cid aan nagala tashana iman mayso, kana yeeli mayno, mana nihin Qolo ku baqanaysa Cid baa xoog weyn iyo Taangi buu wataa midna ma aaminsanin, hore ayaanu Taangiyo ugu furanay Qori iyo Taki yar, Nin walba oo xoog weyn waxaanu u sheegaynaa Nabad iyo Walaalnimo ayaanu kaa rabnaa..”


Loading...
Loading...