Madaxweyne Trump Dib Ma Isku Sharxi Doonaa 2024?

0
Thursday December 03, 2020 - 17:03:01 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1262
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Trump Dib Ma Isku Sharxi Doonaa 2024?

    "Waxaan isku dayeynaa inaan sameyno afar sano oo kale."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaan isku dayeynaa inaan sameyno afar sano oo kale."

Madaxweyne Donald Trump ayaa tusmeeyey in laga yaabo inuu qorsheynayo inuu mar kale u tartamo xilka madaxweynaha Mareykanka ee 2024, kadib markii looga adkaaday doorashadii dhacday bishii November.

 

Inkasta oo madaxweyne Trump weli uusan aqbalin in laga adkaaday, haddana munaasabad ka dhacday Aqalka Cad Talaadadii, ayuu u muuqday inuu ku qiray inaysan guuleysan dadaallo dhanka sharciga ah oo uu doonayey in wax looga beddelo natiijada doorashada, isaga oo tuhmaya inay dhacday qiyaameyn.

 

Waxa uu sidoo kale halkaas ku tusmeeyey in laga yaabo inuu mar kale ordo.

 

"Waxaan isku dayeynaa inaan sameyno afar sano oo kale. Waxaan dib idiin arki doonaa afar sano kadib,” ayuu Trump u sheegay dad uu ku marti-qaaday Aqalka Cad, sida ay Reuters kasoo xigatay ilo-wareedyo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga.

 

Hadalkiisa ayaa imanaya ayada oo Xeer-ilaaliyaha Qaranka Mareykanka William Barr, oo aad ay isugu dhow yihiin Trump, uu Talaadadii shaaciyey in Waaxda Cadaaladda aysan helin wax caddeymo ah oo muujinaya in qiyaamey baahsan lagu sameeyey doorashada.

 

Sidoo kale kiisas maxkamadeed oo kooxda qareenada madaxweyne Trump ay ka fureen dhowr gobol ayaga oo dood ka qabay natiijada doorashada ayaan guuleysan.


Loading...
Loading...