Yuusuf Garaad Oo Ka Dareen Celiyay Xilka Madaxwayne Farmaajo U Magacaabay.

0
Thursday December 03, 2020 - 16:58:06 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2507
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yuusuf Garaad Oo Ka Dareen Celiyay Xilka Madaxwayne Farmaajo U Magacaabay.

    "waxaan uga mahadcelinayaa kalsoonida uu ii muujiyay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"waxaan uga mahadcelinayaa kalsoonida uu ii muujiyay"

Muqdisho (HWN) Yuusuf- garaad Cumar  oo shalay uu xil umagacaabay Madaxwayne Farmaajo ayaa ka dareen celiyay Xilka loo magacaabay.



Yuusuf ayaa sidoo kale soo dhaweeyay xilkan loo magacaabay, waxaanu sidaasi ku sheegay qoraal uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay Facebook, qoraalkaasina waxa uu uqornaa sidan:-


Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaan uga mahadcelinayaa kalsoonida uu ii muujiyay in uu ii magacaabo Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ee arrimaha Gobolweynaha aan ka tirsan nahay oo bad iyo berriba leh kuna baahsan laba qaaradood.


Waxaan ballanqaadayaa in aan si daacadnimo ah kartideyda, khibraddeyda iyo  aqoonteyda oo dhan aan u dul dhigo mas’uuliyadda la ii xilsaaray aniga oo ka amba qaadaya halka la soo gaarsiiyay, lana kaashanaya howlwadeennada iyo hey’adaha Soomaaliyeed ee ay khuseyso.


Xilli doorasho iyo xilli kastaba, Arrimaha waaweyn ee mandiqaddan ka taagan waa kuwo toos u saameeya Dowladnimada, nabadgelyada, dhaqaalaha iyo horumarka dalka iyo dadkeenna Soomaaliyeed.

Saameyntaasi waa mid maanta ah iyo mid istaraatiijiyadeed oo mustaqbalka ah.


Waxaan u mahadcelinayaa saaxiibbada iyo taageerayaasha tirada badan oo ay ardaydeydu ugu horreyso oo fool-ka-fool, farriin cod ah, mid qoraal ah iyo baraha bulshadaba iigu hambalyeeyay, i dhiirri geliyay, iiguna duceeyay.


Ducada Aammiin.


Dalka waan wada leennahay, waana in aan u wada adeegnaa. Sabab kasta ha keentee, qofkii aan taasi suurta gal u ahayn ama ka ahayn, ugu yaraan waa in uu dalku ka nabad galaa, sidoo kalena ay ka nabad galaan inta u adeegeysa iyo inta hore ugu soo adeegtay.

 

Loading...
Loading...