Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Oo Saddex Cisho Ku Daray Wakhtigii Diiwaangelinta

0
Thursday December 03, 2020 - 15:01:20 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1056
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Oo Saddex Cisho Ku Daray Wakhtigii Diiwaangelinta

    Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Oo Saddex Cisho Ku Daray Wakhtigii Diiwaangelinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Oo Saddex Cisho Ku Daray Wakhtigii Diiwaangelinta

Hargeisa(HWN):-Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka, ayaa ku dhawaaqay in maalmo dheeraad ah lagu daray diwaangeinta goobaha codbixiyeyaasha oo socday afar casho, balse ay dadka ku filnaan wayday muddadaasi.



Cabdirashiid Riyo-raac, ayaa sheegay in dhamaan degmo doorashooyinka dhaca xuduuddaha Somaliland iyo Itoobiya wakhtigaas loo kordhiyey, sidoo kalena waxa muddo intaas leeg lagu daray Caasimada degmooyinkaasi, sida Boorama iyo Baligubadle.

Hadalkan ayuu guddoomiyuhu ka sheegay xilli uu kormeer ku jooggay deegaamo ka mida Gobolka Hawd.

"Degmooyinka Baligubadle, Salaxley iyo Gabiley iyo gobolka Awdal, waxaannu hadda joognaa kaabadda qolqol oo ka tirsan degmadda Baligubadle ama gobolka HAWD, sidaad la socotaan maanta waxa innoo soo xidhmaayay afartii casho ee Diiwaangelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka, hase yeeshee markii Komishanka doorashooyinku arkay culayska Xuduudaha ka jira iyo dadka is Diiwaan gelinnaayay afartii cisho oo ay ku filnaan wayday, sidaa awgeed ilaa bisha shanteedda waxay ka socon doontaa goobaha Xudduudaha ku yaalla."Ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinku

Loading...
Loading...