Madaxweynaha Jabuuti Oo Itoobiya Ku Sugan Iyo Nuxurka Qodobo Uu Kala Hadlay Dhigiisa Addis Ababa

0
Thursday December 03, 2020 - 13:27:34 in News by
  • Visits: 2196
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Jabuuti Oo Itoobiya Ku Sugan Iyo Nuxurka Qodobo Uu Kala Hadlay Dhigiisa Addis Ababa

    Madaxweynaha Jabuuti Oo Itoobiya Ku Sugan Iyo Nuxurka Qodobo Uu Kala Hadlay Dhigiisa Addis Ababa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jabuuti Oo Itoobiya Ku Sugan Iyo Nuxurka Qodobo Uu Kala Hadlay Dhigiisa Addis Ababa


Hargeysa(HWN):-Safarka Madaxweynaha Djibouti uu ku joogo Addis Ababa ayaa muhiimadiisa ugu weyn ay tahay muujinta uu u muujinayo madaxda Itoobiya walwalka uu ka qabo Dekedda Berbera.

Image may contain: 2 people, people standing


Madaxweynaha dalka Djibouti Ismael Omer Gueleh oo booqasho ku jooga Addis Ababa,ayaa wariye caan ah oo u dhashay Ruushka magaciisana uu yahay Sergei Aman uu sheegay in Somaliland ay ku riday Madaxweynaha Djibouti " Shivering " ama" Gariir".


Madaxweynaha Djibouti oo la kulmay Madaxweynaha Itoobiya Sahle-Work Zawde ayaa waxa uu u sheegay in Djibouti ay ka doonayso Itoobiya ( Assurance ) ama in ay cadayso xidhiidhkeeda Djibouti,kadib hawlgalka Dekedda Berbera sanadka 2021.


Sidoo kale,Madaxweynaha Djibouti ayaa sheegay in Berbera iyo Asmara,khaas ahaan Berbera ay ku tahay " Khatar" " Wadarta Wax Soo Saarka Guud ee Djibouti" ama ( Djibouti Gross Domestic Product ".


Sidoo kale Madaxweynaha Djibouti codsigiisa ah in Itoobiya ay bixiso lacagta uu ku leeyahay Shiinaha ayaa aan ahayn mid ay awoodi karto Itoobiya.


Waxa ay ahayd maalmo ka hor markii waraysi uu bixinaayay Madaxweymaha Djibouti uu ku sheegay in warwar aanay ku haynin Dekedda Berbera.


Hadalkan uu sheegay maanta ayaa cadaynaya in Berbera Port ay ku tahay walwal weyn falka Djibouti.


Note: Wariyaha ayaa waxa uu sheegayaa in khubarada uu waraystay ay u sheegeen in Djibouti ay dhayalsatay Berbera muddo ah laba sanadood,ayna soo baraarugeen xaaladda oo ku adag.Madaxa DP World Sultan Ahmed Bin Sulayem ayaa hore usheegay in ay tahay wax cad in dhaqaalaha ( GDP ) Djibouti la filayo hoos u dhac weyn oo ku yimaadda marka ay hawlgasho ( Berbera Port ) sanadka 2021 oo ay ka hadhsantahay wax bil ka yar.

Loading...
Loading...