Maxay adiga kula tahay BBC/VOA-da af-soomaaligu?

0
Thursday December 03, 2020 - 09:18:27 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 969
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay adiga kula tahay BBC/VOA-da af-soomaaligu?

    W/Q: Bashiir Tarabbi Google,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Bashiir Tarabbi Google,
BBC-du markay ku hadlayso afka ingiriiska, waxaa jira lahjad la yidhaahdo afka Boqoradda ( Queen English ) aniguse aan u aqaan lahjadda Raage Oomaar, Laanta af Soomaaliguna wuxuu ku hadli jirey lahjadda Somalilaan iyo tan Ogaadeeniya oo ah mid ay adagtahay in aad kala saarto.



Iminka waxaa laanta Af Soomaaliga lagaga hadlaa afka Soomaaliya, iyadoo badheedh arintaa ay u sameeyeen niman ciil qabayaal ah oo gaadhey illaa idaacadda codka Maraykanka, laanta Af Soomaaliga.


Waxaan iyadana ka daawaday muuq baahiyayaasha reer Soomaaliland TVga BBCda oo uu ka warramayey nin aanan kala hubin in Burrus ama Garruun uu magaciisa ku jirey oo qoor xidhkiisu buluug ahaa, Shaadh cadna dusha ka soo gashaday. Waxaan u qaatay arrintaa daandaansi cusub.

Dhalinyarada iyo carruurta Soomaaliland waxay kala garan la' yihiin lahjaddooda iyo kuwa Soomaalida kale, sababtana waxaa ugu weyn ee leh idaacadaha qalaad ee kooxaha gaarka ah u afduuban iyo baraha bulshada.


Inagu Soomaaliya ka xigsan mayno qolyahaa af ingiriisida ku hadla. Xamar, Jigjiga, Gaarisa iyo Hargeysaba wuu soo maamulay Ingiriisku, haddiise isbedel balaadhani socdo, waxaa inala gudboon in aynu dalkeena ka joojino dhegeysiga lahjadaha la soo waaridey oo dhalinyaradayada qaarkood laga yaabo in ay u arkaan lahjad ka wanaagsan tooda,ma laga yaabaa in ay carruurtu u qaataan in lahjaddoodu gudaha ku kooban tahay. Miyaanay wanaagsanaan lahayn in aynu dhegeysano oo baahinno BBC/VOA- afka Ingiriisida ku baxda, Maanta aqoon ma korodhsan kartid haddii aadan aqoon luuqad Caalami ah.


Safiirka Soomaaliland ee london iyo xidhiidhiyaha xafiiska Ingiriiska ee Hargeysa ayay tahay in ay qaadaan masuuliyad ka badan tan dadweynaha reer Soomaaliland.


Bashiir Tarabbi Google,
Hargeysa, Soomaalilaan. 
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...