Hargaysa Iyo Tigree La Isma Barbardhigi Karo Sababo Dhawr Ah

0
Wednesday December 02, 2020 - 17:18:02 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1102
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 4 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa Iyo Tigree La Isma Barbardhigi Karo Sababo Dhawr Ah

    W/Q: Khadar Cabdi Cabdillaahi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Khadar Cabdi Cabdillaahi

Maalmihii Abyi Axmed uu bilaabay gulufkii uu ku kiciyey waqooyiga dalkiisa illaa intii uu ka soo gebagebaynayey waxa aan arkayey dad arrintaa barbardhigaya tan Soomaalida ee kala lulata. Reer Hargaysa iyo reer Muqdishaba dadkaasi way leeyihiin. Sida loo soo afjaray Tigreegii dadlkiisii iyo dawladdiisa ku qooqay in loo soo afjaro Hargaysa iyo in doonista goonni-isu-taagga. Arrintu kaftan iyo ilaaq inkasta oo ay ku bilaabantay haddana dadka qaar run iyo dhab ka hadal bay ka noqotay ama la noqotay. Aan ereyo oo kooban idhaahdo ciddii tuushka yaacday, malaha la idin sitaaye.



Hargaysa iyo Tigree la isma barbardhigi karo sababo dhawr ah:


- Tigreegu soddon sano ayey haysteen talada Itoobiya oo aanay uga faa'iidaysan waxa ay maanta doonayaan.


- Reer Hargaysa soddon sano, saddex sano, saddex bilood iyo xataa saddex cisho talada Soomaaliya gacanta kuma ay haysan haddiiba uga faa'iidaysan lahaayeen waxa ay maanta doonayaan.


- Tigreegu soddonka sano dadkiisa iyo dalkiisa, iyo xataa kuwa jaarka wuxuu ka galay dambiyo badan oo foolxumadooda leh.


-Reer Hargaysa dawladdii, dadkii iyo jaarka toona dambiyo sidaas oo kale ah kama galin. Haddii dagaalkii Siyaad Barre lagaga hor yimi ee la wada eeday, oo looga horreeyey loogana dambeeyey dambi noqonayo, iyada ma sheegin.


-Tigreegu markii ay talada ka degeen bay kibreen, laakiin reer Hargaysa ama Soomaalilaan kuwii talada hayey baa ku kibray oo midnimadii iyo jacaylkii Soomaalinimaba nacsiiyey.


-Soddon sano ka hor bay Hargaysa qaddinteen duqayn samada ah sabab la'aan, Makellena 30 kaddib ayey diyaaradaha iyo garnaylka is baranayaan, waliba sabab uu ay iyagu leeyihiin oo cad.


- Qof kaa cadhooday ama wax kaa tabanaya hadal iyo sasabaad baa lagu soo dabbaalaa, sida Hargaysa. Mid edyad iyo edebdarro wadana dhabiga ayaa dabada loo qabtaa haddii uu dawga qaadan waayo, sida Tigreega. Nin cadho kaaga maqnaa halkee baad keentay isla wixii uu ka cadhooday baan ku soo xerogalinayaa oo ku sandullaynayaa, ma qoyskiinna yaraantaadii ku garaaci jiray marka aad oydana dhenged kugu aamusiin jiray?


-Wiilka iyo gabadha Addis Ababa joogaa wadnaha farta kuma hayaan oo in lagu janno tago kama baqayaan, laakiin ruuxa Muqdisho ku nooli (xataa haddii uu socoto ku yahay) waxa qudha ee uu iska eegayaa waa Wahaabi iimaanku qooman yahay oo hilbihiisa saloola.


- Wiilka iyo gabadha Makelle joogay caafimaad, waxbarasho, waddo, biyo iyo amni buuxa ayuu haystay, dabadeed adeerradii oo shayddaan qaatay baa ka kala daadiyey oo suug iyo rasaas ugu beddelay.


- Dhallinyarada Hargaysa joogtaa intaa wiilka Tigreegu haystay midna ma haystaan. Qarax iyo qori si fudud loogu toogto ka biqi maayaan, laakiin in ay dhintaan waxa ka xigta toddobada fiidnimo in ruuxu luuq madaw soo maro isaga oo taleefankiisa sita.


-Shaqsiga Muqdisho joogaa in uu noolaado oo qaraxa diimaysan iyo kan siyaasadaysanba laga soo afjaro ayuu u baahan yahay, laakiin ka Hargaysa joogaa xadhigga iyo nidaam xumadu dhuunta u gashay uma baahna in uu dhinto oo lagu soo duulo. 


- Haddii ay jirto awood Hargaysa qasab ku soo celin kartaa, Al-Shabaab miyaa looga tudhayaa maa iyada waajibkeeda la mariyo, illayn dhammaanteen way inna dhibtaye?


-Ugu dambayntii, Soomaaliya ma aha Itoobiya, Hargaysina ma aha Makelle. Dhankaad doontaba ka eeg!

 

W/Q: Khadar Cabdi Cabdillaahi

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...