Somalia Iyo Ethiopia Waxa Ka Go'an La Dagaalanka Arimaha Gooni Goosadka

0
Tuesday December 01, 2020 - 10:49:09 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1402
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somalia Iyo Ethiopia Waxa Ka Go'an La Dagaalanka Arimaha Gooni Goosadka

    W/Q: Guray Maydhax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Guray Maydhax

Itoobiya iyo Somalia 1977kii dagaalkii dhex maray waxa sabab u ahaa dhulka somali galbeed ee ingiriisku ka iibiyey itoobiya.



Sababtii itoobiya ay Jabhadii Dhaqaaqii Dib xoraynta Somalia ee S.N.M ay u taageertay isla markaana ay u siisay saldhiyo Ciidan Iyo Hub ee ay magan galyada u siisay  shacabka Somaliland may ahayn lexjeclo iyo Somaliland jacayl, ee waxay ahayd, burburintii dawladii Somalia oo khatar ku ahayd itoobiya.


Ka dib Guushii S.N.M iyo Madax banaanidii Jamhuuriyada Somaliland, Itoobiya maxaa u diiday inay Somaliland aqoonsato?


Itoobiya  wixii ka dambeeyey gooni isu taagii Eritrea waxay noqotay dal walaac ka qaba gooni goosad kasta oo ku soo waajahan geeska Afrika.


South Sudan oo ah dal ka go,ay Suudaan, ma jirto hadal iyo ficil ay itoobiya ku taageertay South Sudan, isla maanta itoobiya waxay eriday safiirkii South Sudan u fadhiyey Adis ababa, ka dib markii ay, Jubba caasimada South Sudan ay ku kulmeen madaxda Masar iyo kuwa TPLF.


Waana marag muujin cadanaysa inay itoobiya ka soo hor jeeday madax banaanida South Sudan.

Maadaama ay itoobiya tahay dal ay ku midoobeen qoomiyado badan oo qaarkood u ciilan inay itoobiya ka hoos baxaan.


Qaab dhismeedka Maamul goboleedka ee ay Somalia ku dhaqanto imika, waa mid ka yimid nidaamka itoobiya u yaala.


Gooni goosadka Somaliland waa mid ay itoobiya u aragto, khatar ku soo waajahan dalkeeda,  oo geeska ku soo korodhay, iyadoo eegaysa qoomiyadaha dalkeeda oo qaarkood aanay ka madhnayn gooni isu taag,waana sababta ay xidida ugu saarayso TPLF


Xulafada dawlada waaweyn ee aduunka waxay saaxiib dhaw la yihiin itoobiya, ilaa 1977kii dagaalkii itoobiya iyo Somalia oo xulafadii midawgii soofiyeeti la safteen, itoobiya kana caawiyeen itoobiya jabintii ciidamadii Somalia.


Halka Somalia ay ka madhnayd gacan,siinta dawladaha shiisheeye, sida dalka maraykanka oo ahaa saaxiibka ugu dhaw ee ay filaysay Somalia inay gacan ka heli doonto, balse madaxwaynihii xiligaasi ayaa sheegay inaanay Somalia xaq u lahayn inay weerarto Ethiopia.


China wuxuu ahaa fursad ina soo martay oo wax badan ka tari lahayd madax banaanida Somaliland.

Hadii Somaliland tix galin lahayd codsigii ay labada todobaad hargeisa u joogeen

Hase yeeshee waxaynu ka doorbidnay Taiwan oo iyaduba inala mid ah.


Itoobiya mar ay noqotaba waxay Somalia siin doonta gacan kasta oo Somaliland madax banaanideeda lagu hor istaagayo.


Muhiimadu waa inay Somaliland ku fikirtaa sidii ay uga gaashaaman lahayd halista dahsoon ee iman kara.

Siyaadadu Malaha Saaxiib joogto ah lkn waxay leedahay dan jogoto ah.


G.Maydhax

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...