Madaxdu Waxay Xaq U Lee Dahay Dhaqaalaha Ay Hayso Ee Ay Dadka Ka Gurto Inay Bixiso

0
Tuesday December 01, 2020 - 10:15:06 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 863
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxdu Waxay Xaq U Lee Dahay Dhaqaalaha Ay Hayso Ee Ay Dadka Ka Gurto Inay Bixiso

    Waxaa Qorey Mustafe Shiine

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Qorey Mustafe Shiine

Waxa maalmahan wax qariib ah laga dhigaayay oo ugub ah in Maayarka Caasimada iyo Xildhibaan Shahar oo warku ka yimid ay ka qayb qaateen caafimaad u dirista Sheekh ka mid ah culimada dalka oo magaciisu yahay Sheekh Aadan Siiro.

 

Sheekh Aaden waa muwaadin noloshiisa intii aan aqaanay ku foognaa arrimaha caawinta dadka masaakiinta ah ee dalkeena,  waana deeqsi aan ku aqaanay inuu bixiyo kharashka ugu horeeya marka laysugu yimaado goobaha qof muslim ah caawimo loogu doonaayo ama danguud qaadhaan loogu bixinaayo.

 

Dadka maalmahan arrintaa ka doodaayay waxa ay u badnaayeen dad aad moodo inay Somaliland shalay yimaadeen, iyadoo aan arkaayay in dooda wax ku darsanyeen qaar horey dhul ugu doontay Maayarka oo uu u hagar baxay siiyayna ama u maray xildhibaan, golaha ka mid ah oo laga yaababa inuu u maray Xassan Shahar laftigiisa.

 

Somaliland intii aan xilka ka hayay ilaa iyo dawladihii Cigaal iyo Riyaale ilaa Siilaanyo waan u soo taagnaa iyadoo dad xanuunsan oo muwaadiniin oo qaarkood aanay weligood dan guud wax ka qaban dhaqaalaha ummadda caafimaad dibadeed looga diraayo oo ay madaxda qaranku amar ay bixiso lagu fulinaayay.

 

Anigaygan ayaa qaar Madaxweyne ugu tagay isla maalin gudaheegana ugaga soo dhamaynay muwaadiin caafimaad daro haleeshay oo dibad loogu diray.

 

Madaxdu waxay xaq u lee dahay dhaqaalaha ay hayso ee ay dadka ka gurto inay bixiso oo ay ku bixiso sifo ay ALLE ugu dhawaanayso, sida ugu gargaarto qaar kale oo baahan ama ay is lee dahay danta ummadda kaga laaluush.

 

Waa laga yaabaa in sida uu xildhibaanku hadalka u yidhi aanay qurux badnayn oo ay si kale ka haboonaan lahayd haddii ay helayaan cid ay lacagta ka sii qaadaan hadhowna sida ugu quruxda badan isaga bixiyaan,  haseyeeshee inooma sheegin wax ku cusub qarankeena oo uu isaga ugu horeeyay,  shalay bay ahayd markaanu xukuummada kuwa bogaadinaynay inay dibada u dirto Yusuf Lambase.oo ku dhaawacmay kubadii cagta,  kaasi oo magaciisu inoogu horeeyay intay cayaaruhu socdeen.

 

Haddaba Hashu haday habeeda ku leedahay horaadkana waa ged ay la soo baxday haday danbeedada ku lee dahayna waa gedeedii.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...