M.Muuse Biixi Iyo Mas'uuliyiinta Hantida Ummada Gacanta Ku Hayaba Waxaan La Wadaagi Lahaa Dhacdo Ka Dhacday Hargeysa 1980-kii Oo Aan Goob-joog U Ahaa

0
Tuesday December 01, 2020 - 10:10:46 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1472
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    M.Muuse Biixi Iyo Mas'uuliyiinta Hantida Ummada Gacanta Ku Hayaba Waxaan La Wadaagi Lahaa Dhacdo Ka Dhacday Hargeysa 1980-kii Oo Aan Goob-joog U Ahaa

    Qalinkii Cabdirisaaq Suudi Nuur.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qalinkii Cabdirisaaq Suudi Nuur.

Fooqa BIS Ee Ku Yaala Badhtamaha Suuqa Hargeysa Sanad-kii 1980-kii Waxa Ku Jirtay Wakaala-dii La Odhan Jiray WAGAD Oo Ay Lahayd  Dawladii Markaa Jirtay  Waaxaanay Ahayd Wakaaladii Soo Dejin Jirtay Sper Parts-ka  Dawlada



Khasnajiga Wakaala WAGAD Waxaa Ahaa Wiil Dhalin Yaro Ah Oo Uu Aabihii Ganacsade Wayn Ahaa Wiilka Sabab-ta U Wayn Ee Uu Aabihii Shaqada U Keeney Waxay In Uu Ka Korodhsado Khibrad Maamul Iyo Waaya Ayag-nimo


Khasnadihii Wakhtigaa Lacagta Lagu Guri Jiray waxay Ahaayeen Kuwo La Mid Ah Kabadhada  Wakhtigan Aynu Joogno Faylasha Loo Isticmaalo Oo Kale Oo Dusha Laga Qufuli Jiray


Hadaba Markii Uu Hanti-Dhawrkii Galay Wakaala-dii WAGAD Waxaa Lacag-tii Uu Khasnajigu Hayey La Waayey 170,000/= Boqol Iyo Todobaatan Kun Oo Shilin Somali Ah Sharcigii Wakhtigaa Jiray-na Waxa Uu Ahaa Qofka Lagu Helo Xatooyo Xoolo Dad Wayne Ama Lunsi Hanti Ummadeed Oo Gaadha 100,000/= Boqol Kun Oo Shilin Somali Ah In Dil Lagu Xukumo Oo Tiirka La Geeyo Lacag-ta Intaa Ka Yari-na Waxay Ahaan Jirtay Xadhig


Isla Markiiba Wiilkii Dhalin Yarada Ahaa Waxa Loo Taxaabay Xabsiga Waxaana Lagu Xukumay Dil Toogasho Ah Maalin-ta La Fulinayo Dilka Maalin Ka Hor Waxa Idaacada Hargeysa Laga Baahin Jiray Tirada Dadka Bari La Tooganayo Haddii Uu Yahay Gacan Ku Dhiigle Iyo Haddii Loo Lagu Xukumay Xatooyo Xoolo Dadweyne.


Xilligaasi Anigu Waxaan Wax Ka Baran Jiray Dugsiga Dhexe Ee Axmed Guray Laakiin Waxaa Caado Noo Ahaan Jirtay Subaxa Ay Toogashadu Jirto In Iskuul-ka Aanaan Tagin Ee Aanu Tagno Meesha Loo Yaqaano BADHKA Oo Ah Halkii Dadka Lagu Toogan-Jiray Oo Hawd AMA Koonfur Ka Xigta Garoonka Kubada Cagta


Taariikhdu Waa Todobaad-kii Ugu Horeeyey Bishii Labaad Ee 1980-kii Waxaan Ka Mid Ahaa Adaydii Iyo Dad Waynihii Kale Ee Goobtaa Iskasii Xaadiriyey Waxaana Tiirar-kii Goob-taa Ku Yaallay Lagu Soo Xidhay 14  Afar Iyo Toban Qof Oo 13 Qof Oo Ka mid Ahi Ay Rag Yihiin Iyo Qof Dumar Ah Wiilka Dhalin Yarada Ah Isaga Waxa Loo Hays-taa Xatooyo Xoolo Dad Wayne 13-ka Qof Ee Kale Waxay Ahaayeen Gacan Ku Dhiiglayaal Haweenay-da Tiirka Ku Xidhanina Waxay Dishay Ninkeedii


Toogashada Waxa Fulin Jiray 30 Askari Oo Isugu Jiray Milatari Boolis Iyo Asluub Saacadu Waxay Markaa Ku Dhawdahay 8.00 AM Oo Ahayd Wakhtigii Siidhiga La Afuufi Lahaa Ee Rasaas-tu Bilaabmi Lahayd Hase Yeeshee Dhinaca Galbeed Waxa Ka Soo Muuqday Gaadhi Uu Ka Dul Babanayo Calan Cad Xawaare Sare-na Ku Ordaya Oo Siigaynaya


Askar-tii Oo Keeb-ka Farta Ku Wada Hayey Iyo Saraakiishii Amarka Bixinaysay Iyo Dad Waynihii Goobta Ku Sugnaa Mar Kaliya Ayuu Dareen-koodu U Wada Jeestay Baabuurka Xawaaraha Sare Ku Socda Ee Hoon-ka Xad Dhaaf-ka Ah Ee Aan Kala Go'a Lahayn yeedhinaya Wax Yar Ka Dib Waxa La Ogaaday In Uu Yahay Baabuur-kii Badhasaab-ka


C/Raxmaan Cismaan Cumar (Afar Jeeble) Oo Fariin Ka Siday Maxamed Siyaad Bare Fariintaas Oo Ahayd In La Hakiyo Toogashada Wiilka Loo Haystay Lunsiga Hatida Ummada Wiilka Aabihii Ayaa Xamar Ugu Tagay Maxamed Siyaad Isaga Odaygu Dalbaday In Uu Dawlada U Celiyo Lacag Dhan 5,000,000/= Shan Milyan Oo Shilin Somali Ah, Hase Yeeshee Siyaad Barre Wuxuu Markaas Booqasho Ku Tagaayey Wadamada Jarmal-kii Galbeed, Faransiis-ka Iyo Maraykan-ka Ganacsadihii Wiilka Dhalay-na Wuxuu La Balamay Soo Noqod-kiisa


Dhacdadani Waxay Ahayd Mid Ugu Ah 14 Qof Tiirka Ku Wada Xidhan In Hal Qof Laga Furo Gunaanad-kiina Mas'uuliyiin-tii Maamulaysay Fulin-ta Dilku Waxay Isku Raaceen In 14-kii Qof-ba Tiirka Laga Furo


Hadaba Siyaad Barre Markii Uu Ka Laabtay Safar-kii Waxay Is Arkeen Odaygii Ganacsadaha Ahaa Waxaanu Maxamed Siyaad Odaygii Ku Yidhi Dawlada Inaad Lacag Siiso Waxa Uga Muhiin-San Fulin-ta Sharciga 14-kii Qof Ee  Tiirka Laga Furay-na Oo Uu Ku Jiro Wiilkii Aynu Qisadani Ku Socotay Dhamaan-tood Waxa La Toogtay Maalmo Kooban Ka Dib


Nasiib Daro-se Lacagtii Lagu Toogtay Wiilka Ee Ahayd 170,000/= Boqol iyo Todobaatan-ka Kun Ee Shilin Somaliga Ahayd Waxa Laga Helay Xafiikii Markii Mas'uulkii Cusbaa Ee Loo Soo Magacaabay Uu Xafiis-kii Dib U Habayn Ku Sameeyey Odaygii Wiilka Dhalay Markii Uu Siyaad Barre Dib Ugu Noqday-na Wuxuu Ku Yidhi Wiilkaagu Hanti Ummadeed Muu Cunin Oo Lacag-tii Waatan La Helay Dawladuna Khalad Ma Laha Oo Lacag-tu Khadnada Way Ka Maqnayd Kumana Sifayn Karo Waxaan Ka Ahayn In Wiilkaaga Ay Saacadiisu Dhamaaray Lacagtan La Helay-na Dawladu Ma Laha Ee Adigaa Leh


Hadaba M/Wayne Muuse Biixi Iyo Mas'uuliyiin-ta Uu Hantida Ummada Ku Aaminay-ba Waxaan Waydiin Lahaa Marka Dawladii Milatariga Ahayd Ay Lacag-ta Iyo Dhulka Danta Guud Sidaa U ILaalin Jirtay Maantana Somaliland Ay Ka Dhacday In Xildhibaan Gole Deegaan Intuu War-baahinta Isa Soo Hor-taagay Uu Yidhi Laba Baloog Oo Dhul Ah Oo Dan Guud Ah Ayaan Habeeyey Anigoo Dhididsan Markaasaan Iib U Doonay Oo Aan Kala Tuuray Oo Aan Farsameeyey Oo Aan Lacag-tiina Hadyad U Bixiyey .

Ugu Dan-bayntii M/Muuse Waxaan Kula Talin Lahaa Xildhibaan-kaa Haddii Aanu Sharcigi Qabanay-nin In Maxaabiis-ta Kale Ee Xabsiyada Ku Jirana Aad Iska Sii Dayso.

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...