Guddoomiyaha UCID Oo Booqday goobaha Diiwaangelinta Ee gobolka Gabiley

0
Monday November 30, 2020 - 19:16:45 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1095
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha UCID Oo Booqday goobaha Diiwaangelinta Ee gobolka Gabiley

    Guddoomiyaha UCID Iyo Wefti Uu Hoggaaminaayo Oo Booqday goobaha Diiwaangelinta Ee gobolka Gabiley

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha UCID Iyo Wefti Uu Hoggaaminaayo Oo Booqday goobaha Diiwaangelinta Ee gobolka Gabiley

Hargeisa(HWN);-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee UCID Faysal Cali Waraabe’ ayaa kormeeray goobaha diwaangelintu ka Bilaabantay ee Magaalooyinka Gabiley iyo Arabsiyo ku yaala oo saaka ilaa shalay si habsamiya bulshada deegaamada ku nool isaga diwaangelinayaan, si ay u qaataan Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka Somaliland ee horaanta sannadka 2021-ka Somaliland ka qabsoomi doonta.


Faysal Cali Waraabe - Posts | Facebook
"Reer Gabileyoow Murashaxiinta Qabyaalad haw eegina ee Quruxdiinu waxay Ku jirta Markaad Iska horaysiisaan Ka Samaroonta’ Ka Akishaa iyo Ka Madigaanka ah…”Ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiye Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Wefti balaadhan oo Xisbiga UCID ka tirsan oo hawlo shaqo gobolka Gabiley Ku joogo’ ayaa kormeeray Goobaha Sanaaduuqda Diiwaangelinta Codbixiyayaasha ee Magaalooyinka Gabiley iyo Arabsiyo oo maalintii 2-aad ay Kuyuuga ku jiraan shacabka deegaanadaasi ee qaadanaaya Kaadhka Codbixinta doorashooyinka Somaliland iyada oo dhammaan goobaha diwaangelinta ee Weftiga UCID booqday uu Fariimo wacyigelino ah oo muhiimada inay shacabku si mug leh isku diwaangeliyaan Shacabku una qaataan Kaadhka Codbixinta doorashooyinka Somaliland.

Loading...
Loading...