Horumarka Dekedda Berbera iyo doorka Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi?. W/Q. Farxaan Cali Ismaaciil
Qarankastaa waxa uu ku horumaraa, markaa uu illihiisa dakhli ku sameeyo tisqaad Iyo horumarin joogta.
Dekedduhuna waa laf-dhabarka
dhaqaale ee dawladi ka horumarto.
Sidaas daraadeed hoggaamiye kastoo hamigiisu yahay inuu kobciyo
dhaqaalaha wadankiisu, isla markaana shacabkiisa doonaya inuu u sameeyo
shaqo abuur, waxa uu culeyska saara, sidii uu u Tayeyn lahaa, Dekedaha
iyo madaarada, Iyo weliba wax soo saarka wadankiisu.
Haddaba, qormadeenan kooban waxaynu ku eegi doonaa marxadihii ay soo
martay Dekedda Berbera 30-kii sanadood ee u dambeeyey, Iyo sidoo kale
baahiyaheedii aas-aasiga ahaa, maxayse kaga hooseysay Dekeddaha kale ee
wadamada jaarka.
Inkastoo Dekedda Berbera tahay il-dhaqaaleed lagu soo dhisay qaranka
Jamhuuriyada Somaliland, haddana dakhliga kasoo bixi jiray waxa uu ahaa
mid aan iyadda waxba ugu filnayn, maadaama oo aanu dib ugu noqon jirin,
isla markaana qalab Iyo daryeel kale midna laga arad-tiri jirin.
Kuma dheeraanayno dayacnaantii Dekedda Berbera ee sannooyinkii tagay,
hase-yeeshee waxan jecelahay inaynu qormadan ku dul istaagno,
qorshayaasha horumarineed ee Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi uga
meelyaala Dekedda Berbera, oo ay hada ku wareejisay Shirkada laga
leeyahay wadanka Imaaraadka carabta oo lagu magacaabo Dp World, taasoo
sanaadkan Dekedii hore ee Berbera kusoo Kordhinaysa Dekedda cusub oo
400-miter ah.
Taasi waa qodob guul ah iyo horumar dhaqaale oo qaranka usoo kordhay,
maadaama ay Somaliland la jaar tahay dalal aan lahayn Bad ama Dekeddo.
Dhismaha Dekedda cusub sanaadkan gudihiisa waxa uu soo korneeray
Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi laba jeer, isaggoo xadhiga kasoo
jaray mashaaric horumarineed oo sanadkaa Xukuumadiisu jirtay ay
fuliyeen, iyadoo Dekedda Berbera lagu soo kordhiyey qalab tiro badan oo
ahaa mid ay baahi wayn u qabtay,
isla markaana ay kusoo Kala kordhiyeen Xukuumada Madaxweyne Muuse iyo Shirkada Dp World.
Xukuumada Somaliland waxa ay maamulka Dekedda ku leedahay doorweyn oo
lexaad leh, iyadoo u joogo Maareeyaha Dekeddaha Somaliland Eng. Siciid
Xasan Cabdilahi oo ah masuul aad u firfircoon, isla markaana tisqaad
horumarineed ku sameeyey mudo laba sanadood ka yar oo u maamulaayey.
La soco Qaybaha dambe.
W/Q: Farxaan Cali Ismaaciil
Hargeysa/Somaliland.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...