Riyadii Abiy Ahmed Iyo Rejadii Geeska Africa Rumeynteedu Ma Xoog Iyo Dhiig Daata Yay Ku Dambaysay ? !
W/Q: Mohamed Abdi Jama ( Dhimbiil )
Hogaamiyaha dalka Ethiopia Dr Abiy Ahmed ayaa markii uu talada dalka
Ethiopia la wareegay sanadkii 2018 kii bishii April labadeedii ayaa
waxa uu la yimid aragti loo wada riyaaqay oo ahayd in Geeska Africa wax
wada qabsado, qoqobka iyo qaybsanaanta laga baxo isla markaana la iloobo
colaadihii iyo waxii taariikh ah ee dhex taalay dadka kuwada nool
gobolkani iyo dawladaha Gobolka Geeska Africa.
Haddana waxa uu qaaday talaabo labaad oo aad aduunka oo dhami ugu
bogaadiyey oo ahaa heshiiskii dawlada Erateria uu la galay iyo
colaadihii dhulka ee uu soo af jaray oo ahayd talaabo kale oo gudaha
Ethiopia na saameyn wanaagsan oo siyaasadeed ku lahayd xaga aduunkana
ahayd lama filaan iyo wax weyn.
Waxa kale oo uu sameeyey talaabo kale oo sadexaad oo ahayd in uu
dhamaan maxaabiistii siyaasada u xidhnayd ooda ka qaado oo uu sii daayo
isla markaana uu la heshiiyo mucaaridkii dawladii EPRDF oo dhan waxa ay
noqotay talaabo kale oo iyaduna mucjiso ah oo Ethiopia waliba aan hore
uga suurto gali jirin.
Talaabada afraad ee uu qaaday ee aan Ethiopia laga fileyn ayaa
noqotay in uu Dr Abiy Ahmed la yimid in dalka Ethiopia uu noqdo mid
dimuqaradi ah , furfuran ganacsigiisu yahay mid furfuran isla markaana
uu saamiyo ka bixiyo waxyaabaha ay dawladu gacanta ku hayso oo dhan ,
dalka Ethiopia na la fududeeyo dhamaan shuruucda ganacsi iyo
siyaasadeed.
Talaabadii Shanaad ee uu u qaaday Dr Abiy Ahmed Ali xaga horumarka
iyo dimuqaradiyada ayaa noqotay in uu haweenka qayb weyn ka siiyey
dawlada Ethiopia markii ugu horeysay taariikhda, waxaana ay noqotay
talaabo kale oo dunida dimuqaradiga ahi soo dhawaysay.
INTAASI KA DIB MAXAA DHACAY , HALKEE SE AY WAX KA XUMAADEEN , MAXAA
KEENAY DAGAALADA IYO KACDOONADA ETHIOPIA KU SOO NOQ-NOQDA ?
Dr Abiy Ahmed markii uu talada dalka la wareegay waxa uu si tartiib
tartiib ah uga wareejiyey maamulkii hore ee Ethiopia ka talin jirey ee
ka soo jeeday TPLF taladii dalka , waxa kale oo uu qaar ka mid ah lagu
eedeeyey dambiyo ka dhan ah xuquuqda aadamaha in ay galeen mudadii
maamulka EPRDF , waxaa dhinaciisa isku xeeray Dr Abiy Ahmed dadkii
dhibta ka tirsanayey maamulkaasi oo dhan oo raba in ay si siyaasiya u
aar goostaan.
Dadka ka soo jeeda Gobolka waqooyi ee Ethiopia ee Tigray waxa ay u
arkeen in iyaga oo si isir ah loo bar tilmaameedsanayo loona tirtirayo
wax walba oo ay wadeen ka dib markii la bixiyey dhulka Badhame oo ay dad
ahaan iyagu degan yihiin una arkayeen in ay Ethiopia xaq u lahayd.
Tigray waxa ay go'aansadeen in ay si siyaasiya isku abaabulaan
maadaama la wado in xididada loo siibo maamulkii TPLF iyo qoomiyada
Tigray wax walba oo ay aaminsanaayeen, dabadeedna markii la iclaamiyey
doorashada ayaa ay ka fekereen in ay dib isku soo abaabulaan oo ay
talada dalka Ethiopia qabsadaan ama ay timaado cid aan ayaga
bartilmaameed ka dhiganin, maadaama Dr Abiy Ahmed na uu yahay ku
meelgaadh ilaa doorasho la qabanayo.
Halkani waa halka la iska seegay, oo mucaaridka dawlada Ethiopia oo
dhami waxa ay u arkeen in uu Raisal wasaaraha Ethiopia dalka afduubayo
isla markaana uu rabo in uu kursiga iska sii haysto , maadaama oo uu
waliba xisbi cusub sameystay, arinkaasi dambe waxa ka mideysnaa
qoomiyadaha Ethiopia siyaasiyiintooda iyo axsaabtooda doorashada raba oo
dhan, waana sababtii dhalisay kacdoonadii qoomiyada Oromada ee soo
noqnoqon jiray.
Doorashadii dalka Ethiopia ee mudeysnayd bishii Aug 2020 ayaa waxa
ay ku soo beegantay in xiligii uu jiray xanuunka #Coronavirus oo aduunka
saameyn weyn ku yeeshay guud ahaan , taasi oo cimri dherer iyo mudo
kordhin u noqotay Dr Abiy Ahmed Ali oo baarlamaanka Ethiopia doorashadii
dib u dhigay.
Maamulkii Gobolka Tigray oo gabi ahaanba masuuliyiintii sarsare
isaga tageen xukuumada iyo dawlada dhexe ee federalka Ethiopia ayaa isku
urursaday Gobolka ay ka soo jeedaan ee Tigray halkaasi oo ay go'aan ku
qaateen in doorashadu dhacayso, waxaana ay qabsadeen doorashadii
maamulka Gobolka Tigray iyo baarlamaanka gobolkooda.
Halkaasi marks uu xaal marayo ayaa ay dawlada Ethiopia soo saartay
go'aano ay ku joojisay wada shaqeyntii maamulka Gobolka Tigray laakiin
ay sii wadi doonto la shaqeynta dadka Tigray iyo waxyaabaha khuseeya
arimaha bulshada.
Dalka Ethiopia waxa hadana laga badelay lacagtii, iyada oo
talaabadani u eeg mid siyaasadeed oo la rabay in lagu curyaamiyo Tigray
ga oo loo arkayey 27 sanadood ee ay Ethiopia maamulkeeda hayeen in ay
dhaqaale badan heleen, bangiyo sameysteen oo ay hanti badan oo ku qoran
dad la bartilmaameedsanayo loola yimaado dawlada si halkaasi fursado
kale oo ay dadka Tigray ugu baahdaan maamulka Ethiopia kuna hoos
yimaadaan u noqoto , laakiin way diideen lacagtii cusbayd iyaguna .
Waa isa seeg kale , waxaana ay bilaabeen in ay maamulka Tigray
sharciga iyo dastuurka dawlada federalka ah dib ugu noqdaan si ay u
helaan qiil sharci oo hadii Ethiopia noqotay mid la isku muquuninayo oo
waliba iyaguna yihiin cida la beegsanayo ay gooni isugu taagi karaan.
HALKEE UU KA BILAABMAY DAGAALKA LAGU QAADAY TPLF MAXAASE SABABAY ?
Dalka Ethiopia qoomiyadaha ku nool qaar badani kumay qanacsanayn
nidaamkii maamulka Federalka ee TPLF gadhwadeenka ka ahaa ee EPRDF
waxaana ay u arkayeen in Ethiopia la wiiqayo maamulkeeda isla markaana
la rabo in la kala jarjaro, waxa ugu waynayd qoomiyada Amhara oo ah kuwa
ugu guunsan uguna faca weyn xaga fac tirsiga talada dalka Ethiopia isla
markaana ay ka soo jeedeen maamulkii talada lagala wareegay ee Mingiste
iyo boqoradii ka horeeyayba.
Ahmara oo ay isku deegaan xigaan Tigray isla markaana ay ka
dhexeeyaan colaado siyaasadeed, qaar dhul iyo maamul ayaa waxa ay fursad
u raadinayeen in ay TPLF mar uun ka takhalusaan, iyaga laftoodu waxa ay
ka mid yihiin kuwa isku wada talada dalka Ethiopia in ay soo ceshadaan .
Abiy Ahmed waxa uu qaatay iyo dawlada Ethiopia in lala dagaalamo
Tigray maamulkooda TPLF taasi oo ay keentay dagaal uu maamulka Tigray ku
weeraray kuna qabsaday saldhig milateri oo ciidamada federalka Ethiopia
ku lahaayeen waqooyiga dalka .
Waxaana bilaabmay dagaalka socday mudada ku dhow halka bil ee lagu
hoobtay dawlad, shacbi iyo maamulkii TPLF ba , waxaana ku baro kacay
dad ku dhow milyan qof iyaga oo ay xuduudka Sudan u gud been qaxooti 40
kun ku dhow , waxaa sidoo kale ku naf waayey maati, shacbi, iyo dad aan
waxba galabsan oo dagaaladaasi waxyeelo coogan u geysteen.
Waxaa walaac xoogan ka muujiyey dagaalka dawlada Ethiopia iyo Tigray
dhamaan aduunka , ururada caalamiga ah , Ururka midowga Africa ,
hayadaha gargaarka caalamiga ah, Ururada xuquuqda aadamaha , marka laga
reebo dawladaha jaararka Ethiopia ee Erateria , Djibouti, Somalia oo
dhamaantood taageersanaa dawlada Ethiopia taasi oo ah wax lala yaabo.
Waxaa la isweydiinayaa hadda riyadii Abiy Ahmed ee Gobolka Geeska
Africa , rejadii wanaagsanayd ee la filayey, rumeyntoodu ma waxa uu
noqonayaa mid sidaa Xoog loogu hirgaliyo oo la muquunin doono cidwaliba
oo ka hor timaada?
Muxamed Dhimbiil
Mohamed Abdi Jama ( Dhimbiil )
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...