Kenya oo Jawaab deg deg ah ka bixisay go'aankii ka soo yeeray Dowlada Soomaaliya ee lagu ceyriyay safiirkeeda

0
Monday November 30, 2020 - 09:11:47 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 2460
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya oo Jawaab deg deg ah ka bixisay go'aankii ka soo yeeray Dowlada Soomaaliya ee lagu ceyriyay safiirkeeda

    Isaga oo sii hadlaayay Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isaga oo sii hadlaayay Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda




Kadib markii xalay dowladda Federaalka Soomaaliya dalka ka cerisay Safiirkii dowladda Kenya u joogay Magaalada Muqdisho ee Lucas Tumbo, una yeertay Safiirkeeda Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa waxaa Go’aankaas ka hadashay dowladda Kenya.

 

Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda dalka Kenya Macharia Kamau oo si kooban ula hadlay Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Magaalada Nairobi ayaa sheegay inay ka xun yihiin Go’aankii Somalia looga ceriyay Safiirkii u joogay.

 

Waxaa uu sheegay Xohaye Macharia Kamau in khilaafka diblomaasiyadeed ee soo kala dhex-galay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kenya lagu xalin doono si wada-hadal, isla markaana uu balan qaaday in arrintaas ay dhaceyso.

Isaga oo sii hadlaayay Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayuu tilmaamay in sida ugu dhaqsiyaha badan looga wada-hadi doono Go’aankii ay qaadatay dowladda Soomaaliya ee lagu ceriyay Danjire Lucas Tumbo laguna wargeliyay inuu dalkiisa wadatashi ugu laabto.

 

Dowladda Federaalka ayaa Kenya ku eedeeysay inay faragelin ku heyso Arrimaha siyaasida dalka gaar ahaan arrimaha maamulka Jubbaland oo si gaar ah loo xusay inay cadaadis ku heyso Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

 

Sidoo kale Dowladda ayaa sheegtay in Kenya Axmed Madoobe ku cadaadinayso inuu fuliyo Ajandaheeda siyaasadeed, taas oo carqaladaynaysa heshiiskii siyaasadeed ee Madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada ka gaareen Doorashada dalka ka dhaceysa dhammaadka sanadkaan 2020/2021.

 

Xiriirka u dhexeeya labada dowladooda ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid aan wanaagsaneyn tan iyo wixii ka dambeeyay muran Kenya gelisay Badda Soomaaliya, isla markaana la isla aaday Maxkamadda ICJ.


Loading...
Loading...