Xildhibaan Ka Soo Jeeda Boorama Oo Sheegay Inaan Shacabka Gobolkiisu Diyaar U Ahayn Doorasho Bilaa Saamiqaybsiya

0
Monday November 30, 2020 - 09:13:07 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 899
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Ka Soo Jeeda Boorama Oo Sheegay Inaan Shacabka Gobolkiisu Diyaar U Ahayn Doorasho Bilaa Saamiqaybsiya

    "Si Somaliland Loo Wada Yeesho, Waa In Cid Kasta Tabashadeeda La Xaliyo" Xildhibaan Reer Awdala.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Si Somaliland Loo Wada Yeesho, Waa In Cid Kasta Tabashadeeda La Xaliyo" Xildhibaan Reer Awdala.

Hargeysa (HWN) – Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiilada, kana soo jeeda Awdal ayaa sheegay in wax-garadka, siyaasiyiinta, masuuliyiinta iyo shacabka Gobolkiisa inay mawqif mid ah ka taagan yihiin Doorashada, waxaanu xusay in aanay diyaar u ahayn Doorasho bilaa saami qaybsiya, balse wuxuu soo jeediyey in aan la dayicin qaadashada kaadhka Diiwaangalinta ee Manta bilaabmaysa.

 

Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye oo Wargeyska Geeska Afrika u warramay ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlay Diiwaangelinta ayaa yidhi "In kaadhka Diiwaangelinta la qaato waa daruuri, waana muhiim, waxaanu ogeyn wixii ku dhacay dadka ku dhaqan Gobolka Awdal, Doorashadii ugu dambaysay, waxaanu ogeyn wixii ku dhacay dadweynaha ku dhaqan Baki, iyo Deegaanada kala duwan ee Gobolka, maxaa yeelay dad badan oo kaadhka aan qaadan baa jiray, Doorashadiina seegtay iyo dad ay diiwaangelintu ka gubatay, markaas maanta waxaan leeyahay Shacabka reer Awdal cududiina iyo tiradiina muujiya oo ku muujiya kaadhka diiwaangelinta oo kaadhka wada qaata, oo xittaa dadka xanuunsanaya ee guryaha jiifa soo qaada, oo keena goobaha kaadhka laga qaadanayo oo wiil iyo inanba ha qaataan kaadhka, haween iyo ragba ha qaatan kaadhka, oday iyo islaamaba ha qaatan kaadhka, oo fursaddaasi yaanay idin seegin”.

 

Mar uu ka hadlayey Doorashada ayuu yidhi "Wax-garadka, Siyaasiyiinta, Masuuliyiiinta iyo Shacabka reer Awdal mawqifkooda Doorashadu waa mid, oo wali waxaanu rabnaa in wax laga qabto tabashadii saami-qaybsiga, anagu maanu garan sababtoo loo diidan yahay in saamiga la sameeyo, saami-qaybsiguna maaha aayado quraan oo aan la bedeli karin,ee wax ha laga qabto, oo aanu helin kuraasta aanu xaqa u leenahay,caddaalaaduna waxay ku jirtaa in aanu xaqayaga helno, si Somaliland loo wada yeeshana waa in cid kasta tabashadeeda la xaliya, anagana tabashada noogu weyni waa saam-qaybsiga kuraasta Wakiilada”


Loading...
Loading...