Sucuudiga Oo Xidhxidhay Saraakiil Ka Tirsan Wasaaradda Gaashaan Dhigga

0
Monday November 30, 2020 - 08:26:26 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1048
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sucuudiga Oo Xidhxidhay Saraakiil Ka Tirsan Wasaaradda Gaashaan Dhigga

    "Go'aannadani waa kuwo xanuun badan laakiin ma huraan u ah xasiloonida maaliyadeed"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Go'aannadani waa kuwo xanuun badan laakiin ma huraan u ah xasiloonida maaliyadeed"

Xukuumadda Sucuudiga ayaa sheegtay in la bilaabay baadhitaan lagu hayo musuqmaasuq ka dhacay wasaaradda gaashaan dhigga dalkaas oo lacagta la lunsaday lagu qiyaasay 325 milyan oo doolar.



Wakaaladda ka hortagga musuqmaasuqa dalkaas ayaa sheegtay in dadka baadhitaanka lagu hayo ay ka mid yihiin masuuliyiin iyo ganacsato.


Sidoo kale waxa wararku sheegayaan in baadhitaannada musuqmaasuqa ee la wado ay ka mid yihiin eedo lagu soo oogay shaqaale ka tirsan wasaaradaha maaliyadda, caafimaadka iyo waxbarashada.


Wakaaladda wararka ee Sucuudiga ayaa sheegtay in la xaqiijiyey in "dhawr sarkaal iyo shaqaale rayid ah oo ka tirsan wasaaradda gaashaan dhigga lagu helay falal lunsi maaliyadeed ah oo shaki leh iyo sidoo kale in lagu helay laaluush iyo ku takri fal awoodeed oo ay dadkaasi awoodooda u adeegsadeen in ay lunsadaan lacag dhan 229 bilyan oo Riyaal."


Warbixinta wakaaladdu waxay intaa ku dartay in "48 qof la baadhay lana ogaaday in 44 ka mid ah maxkamad la soo taagi doono, sidoo kalana haatan laga shaqaynayo sidii lacagtaa ay lunsadeen loogu soo celin lahaa khasnadda dawladda".


Waayadan dambe ayaa dhaxal sugaha taajka boqortooyada, Maxamed Bin Salmaan, wuxuu ku faanayey in uu wado olole ballaadhan oo uu wax kaga qabanayo musuqmaasuqa ka wado dalkaas oo arintaasina tahay mid uu muhiimadda koobaad siinayo.


Sannadkii 2017 ayaa boqolaal qof oo isku jira amiirro, wasiirro iyo ganacsato ba lagu xidhay hudheelk ku yaal magaalada Riyadh si loogu qasbo in ay lacag malaayiin doolar ah ugu bedeshaan xorriyadooda.


Hoos u dhaca sicirka saliidda iyo dagaalka Sucuudigu ka wado Yemen iyo duruufo dhaqaale oo kale oo dalkaa ka jira, ayaa khubarada dhaqaaluhu sheegayaan in ay kellifeen in hoos u dhac dhaqaale soo food saaro dalkaas Sucuudiga.


Waxa ay xukuumaddu qaaday tallaabooyin dhawr ah oo ay doonayso in ay ku kordhiso dakhliga, waxaana ka mid ah in xukuumaddu saddex laabto cashuurta iibka ee saaran badeecadaha dadku iibsadaan, talaabadaas oo qayb ka ah qorshaha tashiilka ee la doonayo in lagu badhi taro dhaqaalaha dalka ee coronavirus-ku dhaawacay.


Xukuumadda Riyaad ayaa sidoo kale sheegtay in ay joojinayso gunnadii maciishadda ee ay siin jirtay shacabka, si loo yareeyo kharashka dawladda.


Dalkan saliidda hodanka ku ah ayaa tan iyo intii sicirka shidaalka ee caalamku dhulka galay safmarkan awgii, dhaqaalihiisu dhulka galay.


Boqortooyadu waxay markii ugu horraysay cashuurka iibka dalka ku soo rogtay laba sano ka hor taas oo ujeedadu ahayd in ay yarayso xaddiga dhaqaalaheeda ee ku tiirsanaanta saliidda.


Wakaaladda wararka dawladda ee Sucuudiga ayaa sheegtay in qiimaha cashuurta iibka oo markii hore ahaa 5% haatan laga dhigay 15 % laga bilaabo 1 bisha Juulaay ee soo socota, iyo in sidoo kale la joojin doono gunnada machiisadda 1 Juun.


Gunnada maciishadda ee shaqaalaha la siin jiray waxay ahayd 1,000 Riyaal oo u dhiganta 267 doolar bishii, taas oo loo bilaabay sannadkii 2018 si looga kabo culayska cashuurta iibka ee markaa lagu soo rogay dalka iyo sicirka shidaalka oo kacay.


"Go'aannadani waa kuwo xanuun badan laakiin ma huraan u ah xasiloonida maaliyadeed iyo dhaqaale ee dalka mustaqbalka dheer…. Isla markaana looga gudbo duruufahan lama aragga ah ee coronavirus oo saamayntiisa loo xadidi karo" ayuu warbixin uu soo saaray ku yidhi wasiirka maaaliyadda Maxamed Al-Jadcaan.


Shaacinta arintani waxay soo baxday iyada oo kharashaadka dawladda ee boqortooyadu gaadhay in miisaaniyaddeeda lagu kabo amaah dhan 9 bilyan oo doolar saddexdii bilood ee ugu horeeyey sannadkan.


Waxaana sababay hoos u dhaca sicirka saliidda mudadaas saddexda bilood ah oo sababay in dakhliga dawladdu uu hoos u dhaco 34 bilyan oo doolar, oo wadarta dakhliga dawladda ka ah 22%.


Sidoo kale bankiga dhexe ee Sucuudiga ayaa sheegay in uu is dhimay kaydkii dalka ee lacagta qalaad bishii Maarijk oo uu gaadhay xaddigii ugu hooseeyey tan iyo sannadkii 2011.


Talaabooyinka lagaga hortagayo coronavirus saamayntiisa ayaa sidoo kale la filayaa in turunturreeyaan isbedallada dhaqaale ee dhaxal sugaha taajka borotooyada, Maxamed Bin Salmaan, bilaabay.


Kal hore ayaa Sucuudigu saamiyo uu ka iibiyey shirkadda shidaalka ee dawladdu leedahay ee Aramco wax aka soo galay 25.6 bilyan oo doolar.


Iibinta saamiyadaasi waxay hal-bowle u ahayd qorshaha Maxamed Bin Salmaan ku doonayo in uu casriyeeyey dhaqaalaha dalka oo uu yareeyo ku tiirsanaantiisa dakhliga saliidda oo keli ah.


BBC

 

Loading...
Loading...