Somaliland:Dhulka Danta Guud Loo Qorsheeyey Iyo CIda Leh Masuuliyada Maamulkiisa...Faallo

0
Sunday November 29, 2020 - 20:05:16 in News by
  • Visits: 1629
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland:Dhulka Danta Guud Loo Qorsheeyey Iyo CIda Leh Masuuliyada Maamulkiisa...Faallo

    Somaliland:Dhulka Danta Guud Loo Qorsheeyey Iyo CIda Leh Masuuliyada Maamulkiisa...Faallo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland:Dhulka Danta Guud Loo Qorsheeyey Iyo CIda Leh Masuuliyada Maamulkiisa...Faallo
Hargeysa(HWN):-Sida ku cad Wax-ka-beddelka iyo kaabista xeerka maamulka dhulka magaalooyinka dalka Jamhuuriyadda Somaliland ee xeer Lr. 17/2001, kuna soo baxay faafinta rasmiga ah bishii June ee sannadkii 2016, dowladaha hoose ee dalka ama Golayaasha Degaannadu wax awood sharci ah uma laha inay bixiyaan, maamulaan, iibiyaan ama si kale ugu tagri falaan dhulka loo qoondeeyey danta guud.


Qodobka 2-aad ee xeerkan, waxa lagu qeexay inay dowladda hoose awood u leedahay maamulka iyo bixinta jagooyinka magaalooyinka ee loogu talogalay inay dadku degaan, balse wixii dhul dan guud ah maamulkiisa iyo bixintiisaba shaqo kuma laha dowladda hoose, waxaannu xeerku jideeyey in dowladda dhexe ay leedahay awoodda maamulka dhulka danta guud iyo wax kasta oo loo qorsheeyey ama loo aqoonsaday dan guud.

Qodobka 8-aad ee wax-ka-beddelka iyo kaabista xeer Lr.17/2001, waxa uu si cad u caddeeyey inay dowladaha hoose ka reebban tahay inay bixiyaan ama iibiyaan dhulka danta guud loo qorsheeyey, hasayeeshee waxa si guud oo la wada ogyahay, isla markaana aan qarsoodi ku jirin in maamullada dowladaha hoose ay si joogto ah u jabiyaan xeerka maamulka dhulka magaalooyinka, iyagoo maamula, bixiya, iibiya, sida ay doonaana ugu tagrifala dhulka danta guud.

Taariikhdu markii ay ahayd bishii January ee sannadkii 2018, Wasiirka Hawlaha Guud ee dalka Somaliland Md. Cabdirashiid Qambi, waxa uu soo saaray wareegto dowladaha hoose ee dalka, gaar ahaan maayirrada magaalooyinka lagaga joojinayo inay bixiyaan dhulka danta guud, iyadoo isla wareegtadaas lagu caddeeyey in Maayirrada laga doonayo inay soo wareejiyaan wixii dhul dan guud ah ee ay hayaan, soona raaciyaan khariidad lagu muujiyey wixii beero la qorsheeyey, dhulka danta guud ee laga jaray, soona caddeeyaan dhulka danta guud ee ay bixiyaan iyo wixii loo isticmaalayba. Wareegtadaas in la hirgeliyey iyo in aan dheg loo dhigin waxay u baahan tahay in laga soo xaqiijiyo Wasaaradda Hawlaha Guud.

Geesta kale, haddana mar kale ayaa la soo saaray wareegto ka soo baxday Guddida Heer qaran ee naqshadaynta taariikhdu markii ay ahayd bishii June 2020, iyadoo Dowladdaha Hoose lagaga joojiyey inay qorsheeyaan dhulka beeraha ah, bixinta dhulka iyo ku-tagri-falka dhulka danta guud, halka sidoo kale wareegtada lagu caddeeyey in dowladaha hoose laga doonayo inay soo caddeeyaan wixii dhul dan-guud ah ee ay kala wareegeen Golihii degaanka ee ka horeeyey iyo khariidadaha beeraha qorsheeyey, mid walba wixii dhul dan-guud ah ee laga jaray iyo sidii loo isticmaalayba.

Waxa waajibku yahay in dowladaha hoose iyo dowladda dhexe ee dalku ay ixtiraamaan, kuna dhaqmaan shuruucda dalka, iyadoo la ilaalinayo danaha guud ee ummadda iyo waxyaabaha ka wada dhexeeya bulshada Jamhuuriyadda Somaliland.

Suxufi Maxamed Cirro
Loading...
Loading...