Hay'addihii Fulinta Sharciga Oo La Baafinayo Iyo Afhayeenka Waddani Oo Ka Hadlay Xildhibaankii Musuqa Ku Faanay

0
Sunday November 29, 2020 - 19:41:06 in News by
  • Visits: 1757
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay'addihii Fulinta Sharciga Oo La Baafinayo Iyo Afhayeenka Waddani Oo Ka Hadlay Xildhibaankii Musuqa Ku Faanay

    Hay'addihii Fulinta Sharciga Oo La Baafinayo Iyo Afhayeenka Waddani Oo Ka Hadlay Xildhibaankii Musuqa Ku Faanay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'addihii Fulinta Sharciga Oo La Baafinayo Iyo Afhayeenka Waddani Oo Ka Hadlay Xildhibaankii Musuqa Ku Faanay


Hargeysa(HWN):-Shaqada ay qaabilsan yihiin hay'addaha somaliland ee u xilsaaran la dagaalanka musuq maasuqa iyo ilaalinta sharciga ayaa la baafinayaa ka dib markii uu soo shaac baxay xildhibaan si cadaan ah ugu faanay hantida dadweynaha oo ay ku tagri faleen.

xildhibaan Xasan Shahar oo ka mid ah golaha deegaanka Hargeysa ayaa si weyn ugu faanay musuq maasuq uu maayar Soltelco kula socday oo ay u gaysteen hantidii shacabka ee ay masuulka ka ahaayeen.

afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Barkhad Jaamac Batuun ayaa sheegay in hay'addihii awooda u lahaa ay ka gaabiyeen talaabo sharciga waafaqsan oo laga qaado xildhibaankaas ku faanay musuqa hantida dadweynaha.

afhayeen Barkhad ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku difaacay sheekh Aadan Siiro oo xildhibaan Shahar eedaynayey, qoraalka afhayeenka ayaana u dhignaa sidan:-

 

Hanti-dhowraha qaranka, Xeer ilaaliyaha guud, Ciidanka Booliska iyo Maxkamaddaha dalkuba maanta in ay Xabsiga dhigaan ayey aheyd Ninka isaga oo Xildhibaan ah yidhi: Xoolihi umaddaan xaraashay oo aan xaday! waa haddii sharciga dalku shaqeynayo? dunida iyo dawladdaha ka jira qofka noocan u dhaqma ciqaabtiisu waa in xasaanadda laga xayuubiyo xabsina la dhigo.

Sheekh Aadan inta aan qof ahaan ka aqaano maaha shaqsi xoolaha umadda loo xaraasho hanti ku fillana Alle waa siiyey mar walbana cidda u canaanta waa kuwa cuno xoolaha Umadda waxaana hal-hays u ah: Adeer ka daaya ayaanu idin leenahay umadda iyo xoolaheeda sidan Barakallaahu Afikum.

Danta guud maxay tahay? Danta guud waa hanti dhul iyo dhisme ah oo dalka ku taal kana dhaxaysa dadka dalka leh. Tusaale ahaan, Dhulka danta guud ah sharciyan qof ma qaadan karo waxaana loogu tallo galay Cisbitaalo, Iskuulo, Garoomo, Masaajido, iyo goobo Bulshadu ku kullanto mana aha wax qof iyo laba toona iibin karaan qaadanna karaan!

Xariifki Shalay hadlayey wuxu inoo sheegay in uu iibiyey, dilaalay, lacagti qaaday, suuq madow ku dhammeeyey, dhididay, daalay, imikana diyaar u yahay in u intaas mar walba sameeyo! caqliga umadda ayey cay ku tahay laakin markay waddo xumo, qashin, biyo la'aan daad magaaladda doc walba ka galay kula xisaabtami waayeen waa garti in u wax walba ku yidhaahdo!

Sheekh Aadan wuxu bulshada dhexdeeda ka qoran yahay samafale umaddeed wuxuna hirgaliyey Mashaariic waaweyn oo laga xussi karo Xabaalaha baqiic, Barmaanijka Miskiin kal-kaal, dhismaha Jaamacadda Qur'aanka oo u hadda hawsheeda wado, run-sheegnimada iyo dhowrida xuquuqda muwaadinka.

Waxaans'e is waydiinaya haddii Sh. Aadan Aduun rabo muxu dawladdihii Cigaal, Rayaale, Siilaanyo uga qaadan waayey? Muxu Maayir Cawl, Maayir Jiciir uga qaadan waayey?

Madaxweyne waadigi ololaha ku galay ballankeenu waa sarreynta sharcige bal aynu dhowrno Tallaabadda aad ka qaado Ninkaas wuxuna hal xidhaale u yahay in sharciga dalku shaqeynayo iyo in aanu shaqeynaynin.

Image may contain: 1 person, suit


Barkhad Jaamac Batuun, Af-hayeenka Xisbiga Waddani


Loading...
Loading...