Murashax U Taagan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya Oo Hargeisa Lagu Xidhay

0
Sunday November 29, 2020 - 17:16:59 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2301
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Murashax U Taagan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya Oo Hargeisa Lagu Xidhay

    Warar xogogaal ah ayaa sheegaya in Xildhibaan Mustaf oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar xogogaal ah ayaa sheegaya in Xildhibaan Mustaf oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan

Hargeisa(HWN):-Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland ayaa waxaa maanta lagu xidhay Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo ka sheekeeyey waxa uu ku xusuusto Nuur Cadde | Caasimada Online


Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay Hay'addaha Amniga ee Somaliland oo la xidhiidha Xadhiga Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, hase yeeshee waxa suurto-gal ah in Hay'addaha Amnigu ay war ka soo saarraan saacaddaha soo socda haddii rabbi idmo.

Warar xogogaal ah ayaa sheegaya in Xildhibaan Mustaf oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya uu ka soo degay garoonka diyaaradaha Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa, kadib markii uu halkaas ay soo fadhiisatay Diyaaraddii uu la socday.

Intaas kadib ayaa waxaa la sheegay in Ciidanka amniga Magaalada Hargeysa ay gacanta ku dhigeen, isla markaana xabsiga laga dhigay, kadib markii uu kasoo degay diyaarad uu la socday oo ka soo degtay garoonka.

Illaa iyo hadda lama oga sababta uu u yimid Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow Magaalada Hargeysa.

Loading...
Loading...