Faallo:-Muuse Biixi Muxuu Soo Kordhiyay Saddexdii Sanno Ee Uu Joogay..?

0
Sunday November 29, 2020 - 16:48:50 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1408
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo:-Muuse Biixi Muxuu Soo Kordhiyay Saddexdii Sanno Ee Uu Joogay..?

    Hargeisa(HWN):-Xukuumadda uu gadh-waddeenka ka yahay Muuse Biixi Cabdi waxay talada haysaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(HWN):-Xukuumadda uu gadh-waddeenka ka yahay Muuse Biixi Cabdi waxay talada haysaa
Hargeisa(HWN):-Xukuumadda uu gadh-waddeenka ka yahay Muuse Biixi Cabdi waxay talada haysaa oo ay baarka ka jartay Saddex sanaddood, waxaannay u muuqataa mid aan haba-yarraatee aan saddexdaa Sano waxba ku soo kordhin Shacabka Somaliland ee ay adeeggaha u tahay, isla markaanna ku fooggan inay ka shaqaystaan oo ay Shacuurta masaakiinta dan-yarta ah ka macaashaan.
Madaxweyne Muuse Biixi oo kala laabtay Heshiiskii Shirkadihii Samaynjiray Lambarada Baabuurta & Buugaagta Gawaadhida – CBATV


Xukuumadda Muuse Biixi oo mudadaas maamulka Somaliland gacanta ku haysay waxyeello mooyee, marnaba bulshadda kumay soo kordhin wax la taaban karo, balse waxa kaliya ay ee ay ku soo kordhisay ayaa ah kala qaybsannaan bulshadda dhexdeedda ah, taasoo si wayn ugu baahaysay guud ahaan Shacabka Somaliland, taasoo ay sabab u tahay hoggaaminta Muuse Biixi oo ku salaysan eex, qaraabo kiil, qabyaalad uu meelkasta ku aruuriyay beesha uu ka soo jeeddo, isla markaanna uu si cad beeshiisa gacanta ugu geliyay ilihii dhaqaalaha ee dalka, waanna arrimaha ugu waa wayn ee maanta ay shacabkii Somaliland ku kala qaybsan yihiin.

Ergayga dalalka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez oo toddobaad uun ka hor Munaasibad uu kaga qayb-galay daah-furka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka soo socda, ayaa waxa uu ka sheegay in Midnimada Shacabka Somaliland aannay la mid ahayn sidii ahayd 2005, 2016 illaa 2017-kii isla-markaana uu u dhexeeyo Farqi wayn, waxaannu ka marag kacayaa inaanay Midnimaddii reer Somaliland siddii ay ahayd markii hore ay wax wayni iska badalleen.

"Markaynu ka hadlayno Midnimada, Jecelow ama ha Jeclaanin Midnimada Bulshada reer Somaliland maaha sidii ay ahayd 2016-kii, Doorashadii 2017-kii ama 2005-tii markii doorashadii Baarlamaanku dhacday, midnimadiinu halkii ma taagna (Maanta)…” Ayuu yidhi Nicolas Berlanga.

Muuse Biixi waxa uu jecel yahay innuu Warbaahinta ka jeeddiyo hadallo macaan, isla markaanna uu bulshadda ku guubaabiyo inay wada-jirka iyo Midnimadda dhexdoodda ah ilaashaddaan, hase yeeshee waxa uu ilowsan yahay in kala qaybsannaantu ay ka dhalatay maamulka uu hoggaanka u hayo, kaasoo aad mooddo innuu hab qabyaaladdeed ugu adeeggo bulshadda uu ka soo jeeddo oo uu ku taxay Kurraastii ay ahayd innuu ummadda si siman ugu qaybiyo, iyaddoo uu Shaqooyinka iyo ka faa'iidaysiga khayraadka dalkanna si caddaaladi ku jirto ugu garsoorro Ammaanada uu gacanta ku hayo.

Si kastaba ha ahaatee saddex sannadood oo uu Muuse Biixi joogay kursiga looga arrimiyo Somaliland, waxa sida cadceedda u muuqata inaanu waxba ku soo kordhin ummadda Somaliland, balse uu bulshadda ka dhex abuuray kala qaybsannaan baahsan uun.

Loading...
Loading...