Gudoomiye Cirro Oo Kormeeray Goobaha Diwaangelinta Ee Magaalada Boorama

0
Sunday November 29, 2020 - 14:30:46 in News by
  • Visits: 875
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiye Cirro Oo Kormeeray Goobaha Diwaangelinta Ee Magaalada Boorama

    Gudoomiye Cirro Oo Kormeeray Goobaha Diwaangelinta Ee Magaalada Boorama

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiye Cirro Oo Kormeeray Goobaha Diwaangelinta Ee Magaalada Boorama


Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo uu weheliyo Musharrax ku xigeenka Xisbiga Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi iyo ma'suuliyiin kale ayaa saaka gaadhay magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal oo ay saaka ka bilaamatay diwaangelinta codbixiyayaasha.

Weftiga Guddoomiyaha ayaa u kuur galay sida bulshadu isu diwaangelinayso waxa uuna booqday goobaha diiwaangelintu ka socoto, hawladeennada diiwaangelinta ayaa Guddoomiyaha uga xog-warramay habsami u socodka diwaangelinta, waxa uuna bulshada ku boorriyey in ciddii aan hore isu diiwaangelin iyo dhallinyarada qaan gaadhay qaatan kaadhka codbixinta kana faa’iidaystan fursaddan muhiimka ah ee mar kale dib loogu bilaabay diiwaangelinta.

Guddoomiyaha waxa socdaalkiisa ku weheliya mas'uuliyiin ay ka mid yihiin Afhayeenka Xisbiga Mr Barkhad Jaamac Batuun, Xoghayaha Arrimaha Gudaha Me Maxamed Faarax Cabdi, Xoghayaha Arrimaha Bulshada Mr Maxamed Sidiiq Dhamme, Guddoomiyaha Garabka dhallinyarada Heer Qaran Mr Cabdirashiid Cabdi Jaamac, Xoghayaha Gaarka ah ee Guddoomiye Mr Cabdilqaadir Iidle iyo mas'uuliyiin kale oo heer Gobol ah.

Image may contain: 6 people, people standing

Image may contain: 3 people, people standing
Image may contain: 7 people, people standing and beard
Image may contain: 3 people, people standing and outdoor
Image may contain: 1 person, sitting and outdoor
Image may contain: 6 people, people standing



Loading...
Loading...