Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo kulan la leh Madaxweynaha Puntand

0
Sunday November 29, 2020 - 13:00:10 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 834
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo kulan la leh Madaxweynaha Puntand

    Kulanka oo ah mid Albaabada u xiran yihiin ayaa waxaa looga hadlaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka oo ah mid Albaabada u xiran yihiin ayaa waxaa looga hadlaya




Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa Maanta waxaa gaaray wafdi ka socday Beesha Caalamka oo uu hoggaaminayay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Arrimaha ee Nicolás Berlanga Martinez.

 

Wafdigaan ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garoowe kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulka Puntland, waxaana intaas kadib loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada.

 

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada kulan kula leh Wafdi ka socday Qaramada Midoobey, Midowga Europe , Midowga Africa iyo IGAD.

Kulanka oo ah mid Albaabada u xiran yihiin ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin Mashaariicda horumarineed ee Qaramada Midoobey iyo Midowga Yurub ka fuliyaan deegaanada Puntland.

 

Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlayaa arrimo la xiriira xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka dhacaya dhammaan sanadkaan 2020/2021 oo horey Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada ay heshiis uga gaareen.

 

Madaxtooyada Puntland ayaa la filayaa in War kasoo saarto kulanka Madaxweyne Saciid Deni iyo wafdiga ka socda Beesha Caalamka uga socda Xarunta Madaxtooyada Maamulka ee Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.


Loading...
Loading...