'' Duumadii Qabiilkiyo , Maan-Dooriyaa Jirra''.

0
Sunday November 29, 2020 - 10:00:18 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 904
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Duumadii Qabiilkiyo , Maan-Dooriyaa Jirra''.

    W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ahmed Nour Guruje

Marka xisaabta loo yaqaano Al-Jebraha la dhiganayo waxaa jira xarfo loo yaqaano Doorsoomayaal kuwaasoo loo qaato in ay matalaan xisaabaha lagga shaqaynayo ,  inta badan waxaa la adeegsadaa xarfaha X iyo Y .

Sidaas oo kale inaggu qabyaalad baynu u isticmaalaynaa X iyo Y , tusaale , hadii X oo u taagan xaafadaada mid ka mid ihi wax xumeeyo kama xumaanaysid  , kama xanaaqaysid , kama xanuusanaysid , hadii aadba ka xumaatana kama hadlaysid lagamana yaabo in Dembi X uu sameeyey aad ka dareen celiso , waxaana kaa tagaya ama aad xayiraysaa dhamaan dareemayaasha , xiskaaga iyo caqligaga .

Dhinaca kale , Y oo ah xaafad kale hadii mid ka mid ihi wax xumeeyo waxaa si automatico ah kuugu soo noqonaya dareemayaashaadii kaa maqnaa , waxaa wax dareemaya xubnahaagii markii horre suuxsanaa , waxaana waxaana wax kala garanaya caqligaagii foorarey .

Sidaa markay tahay inteena ka xun  hadalka xasan shahar ee ka aamusan xasan shaharadda kale iyo inteena ka aamusan hadalka xasan shahar ee xanuunka badani waxba isma dhaano , maxaa wacay saaxiibayaal inta mar walba qayb inaga middi koomo ku jirto ama koomo is gelinayso sidan ayuun baynu ahaan doonaa , sababta nolosheena iyo jiritaankeena burburisayna waa suntii Gaariye inoo sheegey 1997 oo qabyaalad , qabyaaladaas ayaana ah haafyuunta la ina ursiiyey ee ina suuxinaysa mar walba .

Duumadii qabiilkiyo

Maan-dooriyaa jira

Dedanaha sidayda ah

Damqashada ka bi’iyoo

Diciif loogu talo-galay.

Gaariiye daba-taxan .


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...