Ka Faa'idayso Fursadda Oo Aan 60 Sano Dib Kuu Soo Mari Doonin

0
Sunday November 29, 2020 - 09:49:22 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1194
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ka Faa'idayso Fursadda Oo Aan 60 Sano Dib Kuu Soo Mari Doonin

    "Xogtan oo ay warbaahinta adduunku aad u hadalhaysay maalmihii u dambeeyey"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xogtan oo ay warbaahinta adduunku aad u hadalhaysay maalmihii u dambeeyey"

Haddii uu wadku ku daayo, bisha Diisambar waxa aad heli kartaa fursad taariikhi ah oo aad indhahaaga ku arki doonto dhacdo xidigiska muhiim ku ah. Waxaa markii ugu horreysay muddo 8 boqol oo sano ah si aad ah isugu soo dhowaan doona meereyaasha Cirjiidh ama Cirjeex (Saturn) iyo Raage oo sida oo kale Saxal (Jupiter) loo yaqaanno.



Cirjiidh iyo Raage oo ah meereyaasha ee ugu weyn bahda qorraxdu midayso (Baho Cadceed), ayaa samada adduunyada ka muuqan doono iyaga oo isu jira masaafadii ugu dhoweyd ee ay isu jirsadaan tan iyo sannadkii 1226 kii taariikhda dhalashadii Ciise (CS) kaddib.


Diisambar isla marka ay qorraxdu dhacdo ayaa si aan madmadow ku jirin samada looga kari doonaa labada meere oo u eeg laba xiddigood oo aad u widhwidhaya, si muuqatana isugu dhow. Muddo hal saac ah oo qorrax dhaca ka dambeeya ayaanay sidaas uga sii muuqan doonaan jihada qorraxdi ka dhacdo.


Meereyaashani fogaanshiyahooda awgeed ayaa ay cirka uga muuqdaan sida xiddigaha iyaga oo u ifaya, maadaama oo ay sida dayaxa ay dhulka ku soo celiyaan ilayska qorraxda. Meeraha Cirjiidh ayaana ka dhalaal iyo ilays badan meeraha Raage. Cirjiidh isagu waa caddaan aad u widhwidhaya, halka Raage uu midabkiisu casuus huruud u eeg leeyahay.

 

SIDEEN U ARKAA?

Maalinta ay kow tahay bisha Diisambar 2020 ka oo ah salaasada ay halka maalin innaga xigto ayaa aad arki doontaa labadan meere, oo meeraha Raage uu sarreeyo, Cirjiidhkuna hooseeyo, hal saac qorraxda kaddib ayaa uu muuqaalkoodu sii joogi doonaa. Sidaas ayaanu xaalku ahaan doonaa maalin kasta oo bishaas Diisambar ah, iyada oo maalinba maalinta ka dambaysa ay labada meere intii maalintii hore isaga sii dhowaan doonaan.


Bisha Diisambar 21-keeda ayaa ay isu jirsan doonaan masaafad ugu dhow, oo ay mararka qaarkood u muuqan doonaaba sida in ay isku dhageen. Meeraha Raage waxa uu leeyahay qaab wareeg ah waxaana dusha sare kaga meersan ilays khafiif ah, halka meeraha kale ee Cirjiidh aad arkayso in uu yahay kubbad yar laakiin ka weyn Raage, oo ay ku hareeraysan yihiin afar dhibcood oo sida xiddigaha u dhalaalayaa. Afartaas xiddigood ee ku wareegsan meeraha Cirjiidh waa waxa loo yaqaanno Afarta dayax ee ‘Galilean’ waana afarta ugu weyn dayaxyo badan oo uu meerahani leeyahay.

 

XOG GUUD

Meereyaasha Cirjiidh iyo Raage waxa ay ka mid yihiin meereyaasha qorraxda ee bah cadceed loo yaqaanno (Sollar System). Meeraha Cirjiidh waxa uu wareeggiisa qorraxdu dhammaystirmaa 12 kii sanaba hal mar, halka meeraha Raage ay isaga 29 sano iyo badh ku qaadato in uu dhammaystirmo wareegga uu ku dul wareegayo qorraxdu. Kala duwanaanshiyahaas xawaaraha uu wareeggoodu ku socdo ayaa sabab u ah in aynaan samada dhulka ka arag iyaga oo inta badan isku dhowaanaya, marka laga reebo 20 kii sanaba hal mar oo ay in yar inta caadiga ah isaga soo dhowaadaan. Laakiin bisha Diisambar ee 2020 ka isku soo duruggoodu waxa uu noqon doonaa mid ay isu jirsadaan halkii ugu dhoweyd muddo 8 qarni ah.


Waa dhacdo dhif ah oo haddii ay markan ku dhaafto, soo noqon doonta 60 sano kaddib oo ah sannadka 2080, kuna began maalinta ay bisha Maarso 15 noqon doonto. Marka markaas xigta ee ay soo noqon doontaana waa saddex boqol iyo labaatan sano kaddib oo ah sannadka 2400.


Xogtan oo ay warbaahinta adduunku aad u hadalhaysay maalmihii u dambeeyey waxaa xaqiijiyey saynisyahanno cilmiga xiddigiska ku xeeldheer oo ka tirsan jaamacadda Rice ee dalka Maraykanka.

 

Marjaan

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...