Milateriga Itoobiya Oo Sheegay In Ay Gacanta Ku Dhigeen Mekelle

0
Sunday November 29, 2020 - 08:29:15 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1135
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Milateriga Itoobiya Oo Sheegay In Ay Gacanta Ku Dhigeen Mekelle

    "Shacabka Tigreega waxay xaq u leeyihiin iney doortaan ciddii hoggaamin lahayd"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Shacabka Tigreega waxay xaq u leeyihiin iney doortaan ciddii hoggaamin lahayd"

Taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya, Jeneraal Berhanu Jula, ayaa sheegay in ciidamadiisu "si buuxda gacanta ugu dhigeen" magaalo madaxda gobolka Tigray ee Mekelle.



Sheegashadiisan ayaan ilaa haatan cid madax bannaan oo xaqiijinaysaa jirin.


Dhanka kale, xoogagga Tigray ayaan iyaguna ilaa haatan dhinacooda fal celinin hadalkaa uu shaaciyey taliyuhu.

Mar sii horaysay ayaa hogaamiyaha xoogagga fallaagada ah ee gobolka Tigray ayaa sheegay in ciidamada dawladda Itoobiya bilaabeen guluf ay doonayaan in ay ku qabsadaan magaalada Mekelle ee caasimadda gobolkaas.


Hogaamiyaha xisbiga TPLF, Debretsion Gebremichael, ayaa fariin telefoon oo qoraal ah oo uu u diray wakaaladda wararka ee Reuters ugu sheegay in Mekelle "duqayn culusi" ku socoto.


Af-hayeenka xafiiska ra'sial wasaraha, Billene Seyoum, ayaa sheegtay in ciidamada Itoobiya aanay "duqaynayn" goobaha rayidka ah, waxaanay intaa ku dartay in "bedqabka dadka rayidka ah ee reer Itoobiya ee ku nool Mekelle iyo gobolka Tigray tahay arin mudnaan u leh xukuumadda federaalka".


Debretsion ayaa sidoo kale ku eedeeyey ciidamada dalka ay jaarka yihiin ee Eritrea in ay weerareen xeryo qaxooti oo ku yaal gobolka Tigray si ay u qabqabtaan qaxooti hore uga soo qaxay Eritrea.


Wakaaladda wararka ee Reuters uma ay suurto gelin ay wax jawaab ah ka hesho xukuumadda Eritrea oo ku saabsan eedayntaas.


Eedaymaha ay dhinacyada oo dhami is weydaarsadaan ayay adagtahay in la xaqiijiyo maadaama oo telefoonnada iyo internet-ku ba ka go'an yihiin deegaanka, inta suurto galka ahna gacan adag lagu hayo tan iyo markii uu dagaalkaa dhex maraya xoogagga TPLF iyo kuwa dawladdu uu halkaa ka bilaabmay saddex todobaad ka hor.


Milateriga federaalka oo guulo sheeganaya


Militariga dalka Itoobiya ayaa waxay shegeen inay gacanta ku dhigeen dhowr magaalo oo ku taalla gobolka Tigrey ee Waqooyiga Itoobiya.


Milatariga Itoobiya ayaa muddo toddobaadyo ah dagaal xooggan kula jiray xoogagga Tigrey.

Janaraal Xassan Ibrahim ayaa sheegay in Milatariga ay gacanta ku dhigeen Wikro, iyo magaalooyiin kale oo ku teedsan caasimadda gobolka Tigrey ee Mekelle.


Hadalka afhayeenka ayaa ku soo beegmaya xilli ay dowoladda sheegtay inay bilaabayso "wajigii ugu dambeeyay" ee howlgalka Tigrey.


Boqollaal qof ayaa lagu soo waramaya inay ku dhinteen dagaalka, halka kumannaan qof lagu qasbay inay guriyahooda ka qaxaan.


Kulan uu shalay la qaatay ergo ka socotay midowga Afrika ayaa rai'sul wasaare Abiy Ahmed waxaa uu u sheegay in la dhowri doono badqabka dadka rayidka ah ee gobolka.


Balse lama soo hadal qaadin suurtagalnimada wadahadalo lagu soo afjarayo dagaalka.

Horey rai'sul wasaaraha Itobiya waxuu sheegay in militariga ay isku dayi doonaan inaysan waxyeelo u geysan dadka rayidka ah ee ku sugan magaalada Mekelle.


Magaalada Mekelle ayaa waxaa ku nool 500,000 oo qof islamarkana waxaa shacabka looga baaqay in guriyahooda joogaan.


Madaxada TPLF, ee gacanta ku haysa magaalada Mekelle, ayaa waxay wacad ku mareen inay dagaalka sii wadi doonaan.


Qaramada Midoobey ayaa dhankeeda ka digtay suurtagalnimada dambiya dagaal, haddii militariga Itoobiya ay weeraraan magaalada Mekelle.


Qaramada Midoobey ayaa sidoo klae walaac ka muujisay inaysan hay'adaha gargaarka fursad u heleyn inay gaaraan dadka dagaalada ay saameynta ku yeesheen.


Khilaafkan maxaa dhaliyey?

Guddiga fulinta ee deegaanka ismaamulka Tigreega ee dalka Itoobiya ayaa bishii September sheegay in go'aan kasta oo golaha Federeeshiinka ka soo baxa oo lagu joojinayo doorasha ka dhacda deegaankaasi uu ula mid yahay dagaal la iclaamiyey oo lagu soo qaadayo deegaanka Tigreega.


"Shacabka Tigreega waxay xaq u leeyihiin iney doortaan ciddii hoggaamin lahayd, halka la rabay in lagu dhiirrigeliyo in la carqaladeeyo doorashadooda waa mid lid ku ah geeddi socodka dimuqraadiyadda" ayaa war-murtiyeedka lagu yiri.


Hase yeeshee golaha ayaa go'aamiyay in dowladda ay maamulka sii heyso muddo aan la cayimin, iyagoo amar ku bixiyay in doorashada dib loo dhigo sababo la xiriira fayraska korona.


Arrintaas ayaa horseedday xiisad weyn oo ka dhex billaabatay xukuumadda uu hoggaamiyo Dr Abiy Axmed iyo siyaasiyiinta gobolka Tigray.


Gobolka Tirgay ayaa looga dhawaaqay in doorashadiisa aan dib looga dhigi doonin waqtigii sharciga ahaa, taasoo horseedday ismariwaa baaxad leh.


Maamulka Tigreega ayaa ka dhagafureystay digniinaha iyo farriimaha uga imanayay Aqalka Sare, Guddiga doorashooyinka qaranka iyo dowladda dhexe ee dalkaasi Itoobiya intaba.


Doorahsda guud ee Itoobiya ka dhici lahayd bisha September 2020, ayaa dib loo dhigay sababa la xiriira cudurka safmarka ee Coronavirus, iyada oo labada aqal ee dalkaasi ay cod buuxa ku ansixiyeen in doorashada dib loo dhigo 9 bilood ilaa sanad.


Xiisadda taaga waxay sare u qaadday cabsida laga qabo in xisbiga Tigray-ga ee TPLF uu tallaabo u qaadi karo sameynta maamul u gaar ah oo ka madax bannaan federaalka Itoobiya.


Siyaasiyiinta TPLF waxay mar walba ku celceliyaan inay diyaar u yihiin sidii uu gobolkaas - oo xad la wadaaga Eretariya - uu uga sii mid ahaan lahaa Itoobiya. Laakiin waxay hoosta ka xariiqeen in ay difaacan doonaan waxa ay ugu yeereen "ismaamulka iyaga u gaarka ah".


TPLF waxay horraan dowladda dhexe ugu eedeysay inay waddo qorsheyaal ay kusoo weerareyso gobolka.


Xisbiga TPLF ayay awoodda dalka Itoobiya gacanta ugu jirtay ku dhawaad 30 sano markaasi oo uu ka dib Abiy uu xukunka kala wareegay sanadkii 2018-kii.

 

BBC

Loading...
Loading...