Xukuumada Muuse Biixi Oo Laga Dalbaday Inay Sharci Dejinta Horkeento Heshiiska Ay Qarinayso Ee Ay La Gashay Shirkada Traffigura

0
Saturday November 28, 2020 - 21:01:04 in News by
  • Visits: 1027
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Muuse Biixi Oo Laga Dalbaday Inay Sharci Dejinta Horkeento Heshiiska Ay Qarinayso Ee Ay La Gashay Shirkada Traffigura

    Xukuumada Muuse Biixi Oo Laga Dalbaday Inay Sharci Dejinta Horkeento Heshiiska Ay Qarinayso Ee Ay La Gashay Shirkada Traffigura

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Muuse Biixi Oo Laga Dalbaday Inay Sharci Dejinta Horkeento Heshiiska Ay Qarinayso Ee Ay La Gashay Shirkada Traffigura


Hargeysa(HWN):-Xukuumada somaliland ayaa wali qarinaysa heshiiska ay la gaadhay shirkada Trafigura oo dalka keenaysa shiidaalka.


sida sharcigu dhigayo, heshiisyada la midka ah kan Trafigura ee ay xukuumadu gasho ayaa laga rabaa inay horkeento golaha sharciga dajinta oo iskugu jira wakiilada iyo guurtida, balse heshiiskii ay xukuumada somaliland dhawaan shaacisay inay shirkadaasi la gaadhay ayaan ilaa hada la horkeenin xildhibaanada labada aqal.



Shir gudoonka golaha Wakiilada Somaliland ayaa fadhi ay maanta yeesheen waxaa ay Xukuumadda Somaliland kaga dalbadeen in golahaasi ay horkeento heshiiskii ay dhowaan la gashay shirkada shidaalka ee Trafigura.

Sidoo kale, golaha Wakiilada ayaa ugu baaqay Wasiirka wasaarada Ganasiga in uu hor yimaado golahaasi si wax looga weydiiyo heshiiska Shirkadaasi.

Heshiiska ay Xukuumadda Somaliland la gashay Shirkadda Trafigura ayaa ahaa heshiis lagu ballaadhinayo, casriyeynayo, mugga qaadkoodana loo waynaynayo Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera

Heshiiska ayaa waxaa ku jirta in Haamaha shidaalka Berbera laga dhigo mid sababi kara in la soo jiito suuqyada shidaalka dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo dalalka kale ee Gobolka.

Trafigura oo hogaamiye ka ah suuqa warshadaha badeecooyinka adduunka, ayaa dhowaan geeyey shixnaddii ugu horraysay ee gaaska sulphur-ka ah ee hooseeya dekedda Berbera.

Heshiiskan ayaa ah talaabadii ugu horaysay ee balanqaadka Trafigura ee ah inay maalgashi ku samaynayso tas-hiilaadka shidaalka ee Berbera ("BOT”) si ay uga dhigto albaab u adeegta macaamiisha dalka gudihiisa, iyo isdhexgalka saadka shidaalka ee Geeska Afrika oo dhan.

Golaha Wakiilada Somaliland

Loading...
Loading...