Golaha Guurtidda Somaliland Oo Warbixin Ka Dhagaystay Guddiga Joogtadda ah

0
Saturday November 28, 2020 - 20:47:39 in News by A. Asbaro
  • Visits: 688
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Guurtidda Somaliland Oo Warbixin Ka Dhagaystay Guddiga Joogtadda ah

    Fadhigii golaha guurtida Somaliland oo uu shir guddoominaayey Guddoomiyaha golahaasi Saleebaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fadhigii golaha guurtida Somaliland oo uu shir guddoominaayey Guddoomiyaha golahaasi Saleebaan

Hargeisa(HWN):-Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa warbixin ka dhageystay guddoomiyaha gudida joogtada ah ee golaha guurtida Xildhibaan Siciid Cabdillaahi Yaasir.
Video:-Golaha Guurtida Somaliland Oo fasax lagaliyay – Idil News


Fadhigii golaha guurtida Somaliland oo uu shir guddoominaayey Guddoomiyaha golahaasi Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa mudanayaasha golahasi waxay warbixin faahfaahsan ka dhageysteen guddoomiyaha gudida joogtada ah ee golaha guurtida Xildhibaan Siciid Cabdillaahi Yaasir, taasoo Xildhibaanku Warbixintiisa uu kaga waramay inay kulamo la yeesheen masuuliyiinta Hay'addaha dawladda oo ay ka mid ahaayeen Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha iyo Kalluumaysiga iyo Hay'adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha, iyo Masuuliyiinta Xabsiga dhexe ee magaalada Hargeisa. .

Xildhibaan siciid Cabdillaahi Yaasiir waxa uu warbixintiisa ku sheegay in xabsiga dhexe magalada hargeysa markii ay kormeeyaareen uu warbixin uu ka siiyey taliyaha ciidanka asluubta Somaliland waxaanu uga warbixiyey xaalada xabsiga dhexe oo uu taliyuhu uu sheegay in heerka caalamiga ah ee jeelasha lagu galo ay gaadheen, iyadoo guddoomiyaha guddida joogtadu uu xusay in jeelka dhexdiisa maxaabiista wax lagu baro oo ay bartaan aqoon kala duwan.
Dhinaca kalena Xildhibaan Siciid Cabdillaahi Yaasir waxa uu sharaxaad ka bixiyey kulan ay la yeesheen masuuliyiinta hay’adda qaxoontiga iyo barokacayaasha qaranka iyo wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga Somaliland, oo uu sheegay in wax kaweydiiyeen hawlaha shaqo ee ay mas’uulka ka yihiin, wuxuuna xusay in uga xogwarameen waxyaabihii u qabsoomay iyo haabiyaha ka jira hay’adahaasi iyo waxa u qorsheysan mustaqbalka in ay qabtaan.

Loading...
Loading...