Xusuusta Ereygii Halku-Dhegga Noqday "Fartayda Eeday" Ee Muuse Ku Tiraabay Iyo Saamaynta Uu Ku Yeeshay

0
Saturday November 28, 2020 - 17:50:01 in News by
  • Visits: 1501
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xusuusta Ereygii Halku-Dhegga Noqday "Fartayda Eeday" Ee Muuse Ku Tiraabay Iyo Saamaynta Uu Ku Yeeshay

    Xusuusta Ereygii Halku-Dhegga Noqday "Fartayda Eeday" Ee Muuse Ku Tiraabay Iyo Saamaynta Uu Ku Yeeshay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xusuusta Ereygii Halku-Dhegga Noqday "Fartayda Eeday" Ee Muuse Ku Tiraabay Iyo Saamaynta Uu Ku Yeeshay

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay muddo xileedkiisa la soo doortay u dhammaadeen saddex sannadood oo gow ahi waxa dad badani wax iska waydiiyaan kaftan siyaasadeedna ka dhigtaan hadallo shalay oo kale saddex sano ka hor uu ku tiraabay Madaxweynuhu afar maalmood uun kadib markii lagu dhawaaqay natiijada doorashadii Madaxtooyada ee uu ku soo baxay sannadkii 2017, hadalladaasi oo ay ku jirtay weedhha caan baxday ee Madaxweynaha si weyn loogu xasuusto ee ah "Fartayda eeday”.



Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayay madal dad badani joogaan ayaa 25-kii November 2017, shalay oo kale saddex sano ka hor waxa uu yidhi: "Eexda haddii la macneeyo islama garanayno, musuqa iyo hufnaanta islama garanayno, waxa qaranka aan ka doonayo islama garanayno, waxa qaranka yaalaba haddii aan reer qudha u dhiibo ma raalli-gelin karayo, waanay i sugaysaa berri fartaydii eedayeey oo khasaarayeey, taa anigu iskaga diyaar baan u ahay, laakiin waxay dhibi doontaa raggiina mustabaqlka doonaya inay xisbiga iyo siyaasadda sii galaan, waa xal aynu u baahannahay in aynu helno, waar fartaada eed waayo iimaad dooran inaan taad doonayso kuu yeelo.”


Sidan waxa yidhi, Madaxweyne Muuse Biixi, 25.11.2017, afar maalmood ka dib maalintii lagu dhawaaqay natiijadii doorashadii uu ku Guuleystay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.


Kelmadda "Fartayda Eeday” ee madaxweynuhu maalintaasi ku dhawaaqay waxa ay noqotay mid saamayn leh oo in badani ku xasuusato muddo xileedkiisa, waana kelmadda mar walba ay soo qaataan dadka Madaxweynaha si uun ula soo shaqeeyey, u soo ololeeyey aadna ugu soo dadaalay balse haddana markii dambe saluugsay nidaamkiisa hogaamineed ama siyaalo kale uga caal waayay dano uu ka filayay muddo xileedkiisa waxa kale oo kelmaddan hannaan ku wiirsi leh u adeegsada dadkii kale ee Mucaaridka ahaa ee Madaxweynaha ka soo horjeeday kuwaasoo mar kasta oo qof Muxaafid ahaa madaxweynaha dhaliilo u soo qaato weedhhan caan baxday ee "Fartayda Eeday”.


Dad badan ayaa hannaan kaftan siyaasadeed ah waxa ay kelmadahaasi saacadihii la soo dhaafay wareejinayay Barta Xidhiidhka Bulshada ee Facebook oo isagu ah kan xusuusaha sannad guurada soo celiya si uu dadka u xasuusiyo waxaana Facebook shalay illaa Xalay aad loogu wadaagay ereyadaasi uu Madaxweynuhu ku nuuxnuuxsaday afar maalmood kadib maalintii natiijada doorashada lagu dhawaaqay saddex sano ka hor shalay oo kale 25-kii November, sannadkii 2017 oo ahayd markii la qabtay doorashadaasi madaxtooyada somaliland .


Loading...
Loading...